Markab ganacsi oo lagu weeraray badda cas

0

Markab ganacsi oo marayey biyaha badda cas ayaa subaxnimadii hore ee Arbacadii ay weerareen kooxo hubaysan oo watay laba doonyood oo yaryar, iyaga oo markabkaas ku riday rasaas kala duwan, sida ay sheegeen hawlgalka ganacsiga badda ee boqortooyada Ingiriisku.

Ciidamada milateriga ee Ingiriiska ayaa sheegay inay u badan tahay in kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ay weerarkan qaadeen.

Xuutiyiinta Yemen ayaa muddo bilow ah bartilmaameedsanayey maraakiibta ganacsiga, iyaga oo uga dan lahaa inay taageero u muujiyaan dagaalka Xamaas ay kula jirto Israa’iil.

Inkasta oo aan la soo sheegin wax khasaare ah oo soo gaaray shaqaalihii markabka, haddana waxaa dhaawac soo gaadhay markabka, isaga oo ay gaabis noqotay awoodiisii dhaqdhaqaaqu.

Hay’adda ammaanka badda ee Britain ayaa sheegtay in labada doonyood ee yaryar, oo mid ay saarnaayeen saddex ilaa shan qof, midda kalena ay la socdeen 10 qof, ay abbaareen markabka ganacsiga, iyaga oo markii ay u soo dhowaadeen ku bilaabay inay rasaas ku furaan.

Xuutiyiinta ayaa weerar ku qaaday in ka badan 70 markab tan iyo markii uu billowday dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas bishii October, ayaan isla markiiba sheegan weerarka.

Qaybo ka mida warkan waxaa laga soo xigtay AP, AFP iyo Reuters.