Raysal wasaare ku xigeenka dalka Ethiopia Aden farah aya si adag ugu jawabay madaxwaynaha dawlad xamar

0

Waxaa fajac iyo yaab nagu noqday hadallada ka soo yeedhay Madaxweynaha Soomaliya, kuwaas oo gaf iyo meel ka dhac ku ah shacabka Degaanka Soomaalida (DDS) oo iyagu garanaya meesha dantoodu kujirto Itoobiya iyo Soomaaliya

Waxaan madaxda dalka Soomaaliya ugu baaqaynaa in ay xoogga saaraan ka shaqaynta danta shacabka Soomaaliya, adkeynta dawladnimada Soomaliya, iyo xoojinta iskaashiga iyo walaaltinimada laba dal ee Itoobiya iyo Soomaaliya.
Kadib burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya, Itoobiya oo gudanaysa mas’uuliyadda walaaltinimo ayaa dadaal dheer ku bixisay sidii loo heli lahaa dawlad Soomaaliyeed oo cagaheeda ku istaagta”,

Waxaa xusid mudan in Aadan Farax oo ka soo jeeddo DDS, uu yahay ninka labaad ee ugu Awoodda badan Itoobiya