Nin u xirnaa dilka 42 haween ah oo ay xaaskiisii kujirto oo xabsiga ka baxsaday

0

Booliska dalka Kenya ayaa bilaabay baadigoob xoogan kadib markii la sheegay in uu baxsaday nin gacan-kudhiigle ahaa iyo 12 kale oo ka baxsaday xabsiga.

Collins Jumaisi Khalusa, oo ah ninka ay mas’uuliyiintu ku sheegeen inuu yahay gacan-ku-dhiigle, ayaa la xiray bishii Luulyo ka dib markii la sheegay inuu qirtay dilalka 42 haween ah tan iyo 2022, oo ay ku jirto xaaskiisa.

Khalusa ayaa tan iyo markaas ku andacoodey qareenkiisa in lagu qasbay inuu qirto dambiyada si qasab ah. Maxkamada ayaa amartay in xabsiga lagu sii hayo inta ay baaritaanadu socdaan.

Baxsadka ayaa la ogaaday abbaaro 5-tii subaxnimo iyadoo lagu guda jiro baaritaan caadi ah oo ay askartu quraacda ku guda jireen. Sida lagu sheegay warbixin ay BBC-du aragtay, 13-ka qof ee baxsatay ayaa baxsaday iyaga oo gooyay saqafkii siliga ahaa ee saldhigga.

Dadka kale ee baxsaday ayaa waxaa ku jiray 12 nin oo u dhashay dalka Eritereeya, kuwaasi oo u xirnaa in dalka ay ku joogeen si sharci darro ah.