Raysal wasaare Sheikh Hasina oo is casishay dalkana ka carartay

0

Raysal wasaaraha Bangladesh Sheikh Xasina ayaa xilkii iska casishay ka dibna ka carartay waddanka sida ay BBC-du ogaatay.

Xasina oo Bangladesh hoggaamineysay tan iyo 2009 ayaa waxay raacday diyaarad helikobtar ah taas oo aadday dalka Hindiya sida laga soo xigtay BBC Bengali.

Taliyaha ciidamada Jeneraal Waker-Uz-Zaman ayaa lagu wadaa inuu la hadlo shacabka, balse khudbadiisa ayaa dib u dhacday. Waxaa la sheegay in uu la kulmayo “saamileyda”

 

Wararka aanu ka helyno dalka Bangldesh ayaa sheegaya in Ra’iisal wasaare Sheikh Hasina ay xilka is casishay iyada iyo qoyskeeda ay ka dhooftay dalka.

Tallaabadan ayaa imaneysa iyadoo dalkaas ay maalmihii la soo dhaafay ka socdeen dibabaxyo rabshada wata oo ay dhigayeen dad careysan oo dhalinyaro u badan.