Turkiga oo Itoobiya kala hadlaya khilaafkii ka dhashay heshiiskii is-fagaradka ee Somaliland iyo Itoobiya

0

Wasiirka arimaha dibadda ee dalka Itoobiya Hakan Fidan ayaa waxa uu shalay booqasho ku gaaray caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, halkaas oo uu kula kulmay ra’iisul wasaaraha dalkaas Abiy Ahmed, sidaas waxaa sheegay wasaaradda arimaha dibadda ee Turkiga.

Safarka oo lagu tilmaamay mid shaqo oo qaadan doono dhawr maalin, ayaa waxa uu sidoo kale Fidan la kulmay dhiggiisa Itoobiya Taye Atske Selassie.

Booqashadaana ayaa waxay sheegtay dawladda Turkiga in ay qayb ka tahay dhexddhexaadintii ay dawladdu Turkigu ka dhex waday wadamada Soomaaliya iyo Itoobiya, kadib khilaafkii ka dhex dhashay labada dal ee ku aadanaa heshiiskii is afrgarad ee Itoobiya la saxiixatay Somailand.

Sida ay sheegtay wasaaradda arimaha dibadda ee Itoobiya, Turkiga ayaa waxa uu kala hadlay arimo ay ka mid yihiin khilaafka kala dhaxeeya Soomaaliya iyo xaaladda gobolka.

War lagu daabacay bogga X oo horay loo oran jirat Twitter ee ra’iisul wasaaraha Itoobiya, ayaa isna lagu sheegay in wasiirka Fidan iyo Abiy ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal.

Waxaa jira kulamo kale oo loo madlan yahay kuwaas oo dhex mari doona wasiirka Fidan iyo dhiggiis dalka Itoobiya Ambassador Taye Atske-Sellasie.

Bilowgii bishii June ayaa waxaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga wadahadal ay sida dawladda Soomaaliya sheegtay fool ka fool ahayn uu dhexmaray wasiiradda arimaha dibadda Itoobiya iyo Soomaaliya, si ay u bilaabaan qorshe diblumaasiyadeed oo looga gol-leeyahay in la xalliyo xiisadda ka dhex taagan labad dal.

Labada dhnacba waxay xilligaas isku raaceen in ay kulan isku madalsadaan mar kale gudaha Ankara, marka shin-tiriska taariikhdu gaaro 2 da bisha September.

Bulshada caalamka ayaa waxay bogaadisay doorka ay dawladda Turkigu ka ciyaarayso ukala dabqaadista labada dal.

Inta uu joogo gudaha Itoobiya ayaa waxaa laga filayaa wasiir Fidan in uu wadahadlo horumar ku siyaadin kara kulanka dhexdhexadinta ee soo socda in uu la yeesho Itoobiya. Kulamadaas ayaa sidoo kale waxay ku saabsanana doonaan arimo ku saabsan xiriirka labada dal.