Mareykanka oo ka cabsi qaba in xiisadda Israa’iil iyo Lubnaan ay ku baahdo gobolka

0

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Israa’iil ay xaq u leedahay in ay is difaacdo, xilli raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu soo gaabiyay safar uu ku joogay dalka Mareykanka kadib markii weerar dad ka badan toban qof ay ku dhinteen lagu qaaday buuraha Golan ee la haysto.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa tilmaamay in inkastoo Israa’iil ay xaq u leedahay in ay is difaacdo haddana aysan dooneynin in dagaalku uu gobolka ku baaho.

Waxaa taagan cabsi ku saabsan in dagaal dhex maro ururka Xisbullah ee Lubanaan oo ay taageerto dowladda Iran iyo Israa’iil.