Gantaalkii ka caraysiiyay Israa’iil ee ku sababay in ay hanjabaad dagaal ku dhawaaqaan

0

Israa’iil ayaa soo saartay hanjabaad adag ka dib markii labo iyo tobban carruur iyo dhalinyaro isugu jira ay ku dhinteen tobbanaan kalana ku dhaawacneen gantaal ku dhacay garoon kubbadda cagta ah oo ku yaalla buuraha Golan ee ay Israa’iil haysato, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Israa’iil.

Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegay in gantaal ay soo rideen kooxda awoodda badan ee Xisbullah ee Lubnaan uu ku dhacay magaalada Druze ee Majdal Shams, sheegashadaas oo ay si adag u beeniyeen kooxda Xisbullah.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa wacad ku maray in ay ka aargoosan doonaan Xisbullah, isaga oo sheegay in ay “ qiimo weyn ku bixin doonto”.

Dhacdadan ayaa waxa ay awood u leedahay in ay dhaliso dagaal dhan walba ah oo u dhexeeya Israa’iil iyo Xisbullah, kuwaas oo ciidamadoodu ay si joogto ah rasaas isu weydaarsadeen tan iyo markii uu qarxay dagaalka Israa’iil iyo Qaza bishii Oktoobar.Weerarkaas ayaa kii ugu badnaa khasaaraha dhimashada badnaa ee ka dhaca xadka waqooyiga Israa’iil tan iyo markii uu dagaalka billowday 7-dii Oktoobar.

Bayaan ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in dhinacyadu is xakameeyaan ay muhiim u leedahay labada dhinac. Iyadoo laga digayo iskahorimaad ballaaran oo “Oo saameeya gobolka oo dhan kaas oo dhaliya masiibo aan la rumaysan karin”.

Afhayeen u hadlay Xisbullah oo lagu magacaabo Mohamad Cafif, ayaa beeniyay mas’uuliyadda weerarka, BBC-da ayaa isku dayaysa inay xaqiijiso wararka sheegaya in kooxd Qaramada Midoobay u sheegtay in qaraxa uu ka dhashay gantaal ay Israa’iil soo riday.

Maamulka Israa’iil ayaa sheegay in dhammaan dadka la dilay ay da’doodu u dhexeyso 10 ilaa 20 jir, inkastoo warbaahinta Israa’iil ay sheegtay in qaarkood ay da’doodu ka yar tahay.

Muuqaal ayaa muujinaya dad badan oo ku jira garoon kubbadda cagta ah masiibada ka hor iyo markii danbe oo dadka loola kala cararayo ambalaasyada.

Kahor inta aysan soo bixin wararka ku saabsan saameynta weerarka, Xisbullah ayaa sheegatay mas’uuliyadda afar weerar oo kale.

Mid ka mid ah wuxuu ahaa mid ay la eegatay xero ciidan oo u dhow oo ku taal jiirada buurta Hermon, oo ku taal soohdinta u dhaxaysa Israa’iil iyo Lubnaan. Saldhiggu wuxuu qiyaastii 3km u jiraa garoonka kubbadda cagta ee gantaalku ku dhacay.

Majdal Shams, waa mid ka mid ah afar tuulo oo ku yaal buuraha Golan Heights, halkaas oo ay ku nool yihiin ilaa 25,000 oo xubnood oo ka tirsan qowmiyadda Druze ee Carabiga ku hadasha.

Afhayeenka ciidamada Israa’iil ee IDF Daniel Hagari, oo booqday goobta uu weerarku ka dhacay, ayaa ku eedeeyay Xisbullah “inay been sheegeen ayna dafirayaan mas’uuliyadda dhacdada.”

Wuxuu intaa ku daray in gantaalka ku dhacay garoonka uu noociisu ahaa Falaq-1 kaas oo sida uu sheegay “ay Iiraan soo saarto oo ay si gaar ah u leedahay Xisbullah”.

“Sirdoonkayaga waa cad yahay, Xisbullah ayaa mas’uul ka ah dilka carruurta aan waxba galabsan,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in Israa’iil ay isku diyaarinayso inay ka aargoosato.

In kasta oo Israa’iil iyo Xisbullah ay si joogto ah u isweydaarsadeen rasaas, labadooduna ay khasaare soo gaareen, haddana tan iyo bishii Oktoobar, labada dhinacba way ka gaabsadeen ficillo isu beddeli kara dagaal ballaaran oo ka socda koonfurta Lubnaan.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, oo booqasho ku joogay Mareykanka, ayaa goor hore ku soo laabanaya dalkiisa.

Mid ka mida masuuliyiinta qoomiyada Druze, oo lagu magaaco Sheekh Mowafaq Tarif, ayaa si caro leh u yiri “xasuuqa argagaxa leh” wuu ka tallaabay khadka cas ee suurtogalka ah”.

“Maamulka saxda ah ma ogolaan karo in dhibaato joogto ah loo geysto muwaadiniintiisa iyo dadka deegaanka. Tani waxay ahayd xaqiiqada ee haysata shacabka waqooyi sagaalkii bilood ee la soo dhaafay,” ayuu intaa raaciyay.

Wasiirka arrimaha dibadda Israel Katz, ayaa u sheegay TV-ga Channel 12 ee Israa’iil: “Waxaan wajahaynaa dagaal dhan walba ah.”

Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayaa ku tilmaamay dhacdadan “musiibo aad u xun oo naxdin leh” wuxuuna sheegay in “dowladda Israa’iil ay si adag u difaaci doonto muwaadiniinteeda iyo madax-banaanideeda”.

Dowladda Lubnaan ayaa sidoo kale soo saartay bayaan naadir ah oo ay kaga jawaabeyso, iyadoo sheegtay in ay cambaareyneyso dhammaan falalka rabshadaha iyo gardarrada ah ee ka dhanka ah dhammaan dadka rayidka ah, waxayna ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo colaadda dhinac kasta ah.

“In la beegsado dadka rayidka ah waa xad gudub bareer ah oo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah, waxayna ka soo horjeedaa mabaadi’da bini’aadantinimada,” ayaa lagu daray qoraalka.

Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarka

Inta badan Druze waxay ku nool yihiin waqooyiga Israa’iil, Lubnaan, Urdun iyo Suuriya. Israa’iil, waxay leeyihiin xuquuq dhalasho buuxda waxayna ka kooban yihiin 1.5% dadweynaha.

Waxaa la siiyay dhalashada Israa’iil markii Buuraha Golan Heights laga qabsaday Suuriya 1981, laakiin qof walba ma aqbalin.

Druze ee Golan ayaa wali wax ku baran kara oo ka shaqayn kara Israa’iil, in kasta oo kuwa ka mida haystaan dhalashada kaliya ay codayn karaan.

Qoomiyadan ayaa ah kuwu ugu badan ee an Yuhuud ahayn ee ku jira adeega ciidamada Isra’iil ee IDF

Inta badan beesha caalamku ma aqoonsana qabsashada Israa’iil ee buuraha Golan.