Biden oo aaminsan inuu dalka sii hoggaamin karo balse cadaadisku baddelay

0

Biden oo aaminsan inuu dalka sii hoggaamin karo balse cadaadisku baddelay

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo tartanka doorashada isaga haray ayaa la sheegayaa inuu doonayay intii aan cadaadiska la saarin in uu markii labaad u tartamo doorashada Mareykanka ee dhacaysa Bisha Nufeembar.

Wararka qaar ayaa sheegaya in shalay markii uu ku dhawaaqayay go’aanka uu aad u caraysanaa, isagoo la sheegay inuu aaminsanyahay in qaar ka mid ah xubnaha xisbigiisa ay khiyaaneen oo aanu ka helin taageeradii iyo garab istaagii uu ka rabay.

In ka badan konton sano ayuu Biden ku jiray siyaasadda, wuxuuna aaminsanaa inuu tartanka geli karo hase-yeeshee qaar ka mid ah xubnaha xisbigiisa oo aaminsan in uusan dalka sii hoggaamin karin ayaa saaray cadaadis ugu dambeyn keenay inuu go’aanka ka harista tartanka uu gaaro.

Sida qaar ka mid ah hoggaamiyaasha caalamka uga falceliyeen go’aanka Biden