Hogaamiyayaasha dunida oo cambaareeyay weerarkii lagu khaarajin rabay Donald Trump

0

Hogaamiyayaasha dunida ayaa cambaareeyay weerarkii Sabtidii lagu khaarajin rabay Donald Trump oo ka qayb galayay isu soo bax ka dhacay Pennsylvania, markaas oo dhagta laga toogtay, waxayna muujiyeen sida ay uga argagaxeen dhacdadaas, iyagoo si kulul u diiday rabshadaha ku saleysan siyaasadda, waxayna u rajeeyeen in uu ka bogsado dhaawaca soo gaaray.

Kooxda Ol’olaha Trump oo mar kale u sharaxan tantanka Madaxweynaha bisha November ayaa sheegay in “xaaladdisu wanaagsan tahay.”

FBI-da ayaa ku sheegtay labaatan jirka la yiraahdo Thomas Matthew Crooks in uu ku lug lahaa toogashada, wax u eg isku day dil.

Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa cambaareeyay toogashada, wuxuna ku tilmaamay “ficil rabshadaha siyaasadda ku saleysan.”

Ra’isul Wasaaraha Japan Fumio Kishida ayaa isna yiri “Waa inaan diidnaa ficil kasta oo rabshad wata oo ka dhan ah dimoqaraadiyada.”

Ra’isul Wasaaraha cusub ee Ingiriiska Keir Starmer ayaa isna yiri “aad ayaan uga naxay muuqaalada naxdinta leh” ee isu baxa. “Rabshadaha ku saleysan siyaasadda boos ugama bannaana bulshooyinkeena, ducadeenu waxay la jirtaa dhammaan kuwa wax ku noqday weerarkan.”

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy ayaa sheegay in ay ahayd “waxan cudur daar lahayn” rabshadda noocan oo kale ah, wuxuna u rajeeyay “bogsasho” Trump, oo marar badan dhaleeceeyay taageerada Milatari ee uu Maraykanku siiyo Ukraine ee ka dhanka ah duulaanka Ruushka, wuxuna u rajeeyay “in uu si dhakhso ah uga kaco.”

Ra’isul Wasaaraha Australia Anthony Albanese ayaa sheegay in toogashadu ahayd “mid walaaceeda wadata,” halka Ra’isul Wasaaraha Canada Justin Trudeau uu yiri “waxay iiga tagtay xanuun”, wuxuna intaa ku daray “marna lama aqbalayo rabshadaha siyaasadda ku saleysan.”

Fariimo kuwaas lamid ah waxay ka soo baxeen madaxda Midowga Yurub, Masar, Thailand, Twain, South Kuria, New Zealand, Italy, Sweden, Netherland iyo Philippines.