170 casho aya ka hady Doorashada Madaxtooyada Somaliland

0

Maalinta loo asteeyay Doorashada Madaxtooyada qaranka jamhuuriyada Somaliland waxa ka hadhay 170 casho ama shanbilood iyo 20 casho, olalaha Horaantiisii ayana bilaabmay oo durba si adag ayaa laysku durayaa inastoo raga isku haya kuraasta ay yihiin rag hore isku siyaasad iyo isku aragti ahaa badankooduna waxay kasoo farcameen Xisbiga Kulmiye waanay is yaqaanaan ,

ALLE HA SAHLO DOORKAN

waxaase Doorkan ku cusub Olalaha waa qabyaladii oo sadex jibaaran tay iyo shaqsi nacayb bulshada lagu abuuray sidoo kalena waxaa hoos u dhacay wadaniyadii oo raga qaarkood ayaa siyaasadu la gashay inay bulshada curfi iyo nacayb isku galiyaan, marka aya wax iska caabinta siyaasada ka hadlaya,

ALLE HA SAHLO DOORKAN

Dabcan doorashooyinkii hore ee dalkan ka dhacay wax badan ayay ku fiicnaayeen sida waxad arki karaysay labo walaalo ah oo midba xisbi ku jiro xata aabaha iyo wiilashiisa ayaa kala argti siyaaasi ah lahaa waxanad maqli jirtay iyadoo codka lagu raadiyo Saaxiibtinimo, Xididnimo iyo kalmad Abtiyaal codka isiiya meel loo dhaafana ma jirin,

Doorkan waxa ina dawakhiyay oo dalka heerkaa kala shakiga ah gaadhsiiyay Cumaamadihii oo toos ugu milmay siyasada waxana cabsi badan laga qabaa haday kusoo dhiiradaan Ololaha siyaasiyiinta kursiga isku haya  inay ka barbar cayaaraan oo dadka beelo ukala fadhiisiyan waana ta ugu halista badan ee qarankan wax yeelo ugaysan karta,

ALLOW SAHAL AMUURAHA

Horta waligeed ba way dhacaysay in tartan aan waxba laykula hadhin la galo waxaase ay ka midays naan jireen siyaasiyiintu difaaca qaranimada iyo ilalinta qawaniinta ama dastuurka Somaliland ee qarankani ku shaqeeyo waxaase muuqata in lagu tuntay oo sharcigii jeebadaha lagu qaatay siyaasi walbana siduu doono uhadlo oo xata mar mar aad maqlayso dafiraada qaranka magaciisa  SOMALILAND , mida kale waxaa jira duulimad wajiyo badan oo dalkan lagusoo qaaday gude iyo debedba  waxaana hubanti ah in dawlado jarka somaliland ahi gacanta kula jiraan wax yeelynta qaranka jamhuuriyada Somaliland marka laga yimaado maamulka xasan sheekh ee calooshiisii aynu aragnay,,

ugu danbayn dalakni wuxuu ubaahan yahay isku duubni iyo wada jir kuwa usoo bu,aya hore ayay dadkan isku arkeen oo hadh cad faqashtii laga xoreeyay inta maanta isasoo urursatay na waxdba ka qaadi maayan , Doorashduna way dhacaysaa Ninka illahay u qoray ayaana fadhiisnayay kursiga Sadexda Nin na way usiman yihiin dalkan kii ku fadhiistaaba  qaranka ayuu ushaqaynaya  oo difaacayaa waxase muhiima in Amniga lagawada shaqeeyo oo aan cadowga gacan la siinin waayo way ku farxayaan hadii buuq ka yimado doorshada,

dalkan How biqina maalmo ka adag tan maanta ayaa lasoo marey oo dadka somaliland oo dhan qaxooti ay ka hayeen dalkooda  mise waaba manta oo dalkiiba ku jiro gacanta somaliland bad iyo Beri iyo Hawadiiba,