War-Saxaafadeed xisbiga Waddani ka soo baxay
Maanta oo taariikhdu tahay 11ka May 2024, waxaa Musharraxa Madaxwayne ee Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ay wehelinayaan Murashaxa Madaxwayne kuxigeen, Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI,
mas’uulyiin sarsare oo ka tirsan Xisbiga WADDANI iyo Xildhibaan Xasan Dhuxul Laab-Saalax ay ku qaabileen hoyga Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Guddida ka midha-dhalinta Gobolnimada Gebilay.
Murashaxa iyo Madaxda Xisbiga WADDANI, iyaga oo degdeg uga jawaabaya baaqii codka dheer ku baxay ee ka soo yeedhay Guddida ka midha dhalinta Gobolnimada Gebiley ayaa ay si miisaan leh maanta u qaabileen, iyaga oo dhageystay dhammaan ajandayaashii ay soo bandhigeen Guddidaas.