Aqalka Senate-ka Maraykanka oo ansixiyey $95 billion oo la siiyo Israa’iil,Ukraine iyo Taiwan

0

Aqalka sare ee Senateka ayaa Salaasadii meelmariyey, lacag gargaar ah oo la siinayo Ukraine, Israa’iil iyo Taiwan, waxaana ogolaaday 70 mudane oo kamida 100-ka mudane ee uu ka kooban yahay golaha.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa ugu baaqay aqalka hoose ee Maraykanku inay si degdeg ah u meelmariyaan lacag gargaarka ah ee la siinayo Ukraine, Israa’iil iyo Taiwan, taas oo gaadhaysa illaa $95 billion oo dollar.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa markiiba soo dhoweeyey tallaabadan, isaga oo uga mahadnaqay dawladda Maraykanka, wuxuuna ku tilmaamay in lacagtani ay badbaadinayso nolosha Ukraine ee ay ku soo duuleen Ruushku.

Senator Chuck Schummer oo ah hoggaamiyaha aqlabiyadda ee golaha Senateka ayaa tallaabadan ku tilmaamay inay tahay mid taariikhi ah.