Maxaan ka ognahay heshiiska qarsoon ee Xamaas iyo Israa’iil ee ay dhexdhexaadinayaan Qatar, Maraykanka iyo Masar

0
 

Bannaanbax ka dhacay Israa’iil oo lagu dalbanayo heshiis lagu sii daayo la haystayaasha Israa’iil ee ay haystaan ​​Xamaas

Waxaa isa soo taraya hadal heynta ku saabsan suurtagalnimada in sameeyo heshiis cusub oo u dhaxeeya Xamaas iyo Israa’iil si loo gaaro xabad joojin ka dhacda marinka Qasa iyo in la is dhaafsado la haystayaal iyo maxaabiis, iyadoo ay jirto rajo wanaagsan ka dib markii ay si hoose ilo xog ogaal ah ay u shaaciyeen heshiis xabad joojin ah oo socon kara ilaa laba bilood.

Sida uu daabacaday wargeyska The New York Times ee ka soo baxa Maraykanka, wada-xaajoodayaashu waxay ku dhow yihiin inay gaaraan heshiis dhigaya in Israa’iil ay hakiso dagaalka ay ka waddo Qasa muddo laba bilood ah si loo sii daayo in ka badan 100 la haystayaal ah oo Xamaas ay haysato, heshiiskaas oo lagu gaari doono gudaha Qasa, labada toddobaad ee soo socda.

Cali Al haliil oo ah Falanqeeye u dhashay dalka Qatar ayaa BBC u sheegay, “Xamaas way adag tahay inay ogolaato heshiiska, sababtoo ah waxa ku jira dabin ay Israa’iiliyiintu isku dayayaan in lagu sii daayo dhamaan la haystayaasha Israa’iil oo dhan, taa beddelkeeda, Israa’iil si cad uma oggolaanayso inay fsaxdo maxaabiista Falastiiniyiinta ee ku jira xabsiyada”.

Hindisahaan cusub ee xabad-joojinta ayaa la horgeeyay hoggaanka Xamaas, waxaana la filayey in madaxa xafiiskooda siyaasadda Qatar Ismaaciil Haniyeh uu gaaro Qaahira Khamiistii, ka dib shir maalmihii u dambeeyay Paris ku dhex maray mas’uuliyiin ka tirsan Mareykanka, Masar, Israa’iil iyo Qatar.

Kumanaan qof ayuu sameeyay dagaalka Israa’iil iyo Xamaas

Jawaabta la sugayo

Lataliyaha warbaahinta ee madaxa xafiiska siyaasadda ee Xamaas, Taher Al-Nono, ayaa yiri, “Xamaas waxay heshay soo jeedinta Paris ee xabbad-joojinta iyo sii deynta la haystayaasha Qasa, laakiin ma aysan siinin wax jawaab ah dhinacyada ilaa iyo hadda”.

Al-Nono ayaa ku tilmaamay marxaladda hadda ay marayaan wada-xaajoodyadu inay yihiin kuwo eber ah, isagoo intaas ku daray “ma dhihi karno heshiis ayaan gaarnay”, iyadoo laga cabsi qabo in Israa’iil aysan ballan-qaadin joojinta gebi ahaanba dagaalka.

Lataliyaha warbaahinta ee madaxa xafiiska siyaasadda ee Xamaas ayaa xaqiijiyay in weli aysan jirin wafdi Xamaas ah oo gaaray Masar, isagoo ka jawaabayay warar ay baahiyeen warbaahinta oo sheegay imaatinka wafdiga mar hore.

Ilo ka tirsan dowladda Masar ayaa sidoo kale beeniyay wararka ay warbaahintu sheegtay oo ah in wafdi ka socda kooxda Xamaas ay magaalada Qaahira kula yeelanayeen saraakiil ka tirsan sirdoonka Masar wadahadal ku saabsan heshiis la isku dhaafsanayo maxaabiista.

Saraakiisha Israa’iil waxay muujiyeen diidmadooda ah, inay sii daayaan kumannaan Falastiiniyiin ah oo ku xiran xabsiyada Israa’iil oo ay joojiyaan dagaalka, taas oo Netanyahu uu xaqiijiyey isagoo leh, “Maya in gebi ahaanba la joojiyo dagaalka Marinka Qasa ama ciidanka Israa’iil ay ka baxaan ma ahan mid suurtagal ah ”.

“Xamaas waxay u muuqataa in ay ku guulaysatay dagaalkan, ma ahan wax macquul ah in Israa’iil, oo u muuqata in laga adkaaday ka dib markii ay lumisay kumanaan askar ah oo laga dilay ama laga dhaawacay ay noo yeeriso sharcuuda heshiiska,” ayuu BBC-da u sheegay Al-Haliil.

Waa in dhamaan la sii daayaa

Waa in dhamaan la sii daayaa

Qoysaska la haystayaasha Israa’iil ayaa weli ku cadaadinaya Netanyahu in heshiis la gaaro.

Telefeshinka 12-aad ee Israa’iil ayaa sheegay in golaha dagaalka Israa’iil uu ka doodi doono tirada maxaabiista la sii dayn doono haddii heshiiska la ansixiyo, iyadoo la filayo in khilaafka wada-hadallada uu noqon doono mid ku saabsan magacyada maxaabiista, ee aanu ahayn tiradooda.

Fallanqeeye Al-Haliil waxa uu tilmaamay in Xamaas ay doonayso in ay ka qaado go’doominta, dib u dhiska iyo in ay gebi ahaanba ay ka baxaan ciidamada Israa’iil ee ku sugan Marinka Qasa, haddii aanay taasi dhicinna heshiiska lama gaari doono.

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Qatar, Majed Al-Ansari, ayaa xaqiijiyay in “dhinaca Israa’iil ay aqbashay soo jeedintan, Xamaas ay ka heleen xaqiijin wanaagsan”

Waxa uu intaa ku daray: “Wali waxaa inagu soo fool leh waddo aad u adag, waxaan rajaynaynaa in labada toddobaad ee soo socda gudahood aan ku dhawaaqno war wanaagsan oo arrintan ku saabsan.”

Si kastaba ha ahaatee, ilo xog ogaal ah oo u dhuun daloola wada-hadallada Qasa ka dhacay ayaa wakaaladda wararka AFP u xaqiijiyey in “Wali aysan jirin wax heshiis ah oo laga gaaray qaab-dhismeedka heshiiska, dhinacayadanu ay wadaan indho-indhayn muhiim ah, hadalka dowladda Qatarna uu ahaa mid lagu degdegay oo aan sax ahayn”.

Tiro ka mid ah dadka ku nool Marinka Qasa ayaa bannaanka u soo baxay habeenimadii Khamiista, iyagoo faraxsan ka dib markii ay soo baxeen warar aan la xaqiijin oo ku saabsan ku dhawaaqista xabbad-joojinta ee Marinka Qasa iyo sii deynta la haystayaal iyo maxaabiista.

Dhexdhexaadintii Qatar oo taageero ka helaysa Masar iyo Maraykanka, ayaa ku guulaysatay in horey loo gaaro heshiis ku meel gaar ah oo bini’aadanimo 24-kii November, kaas oo socday muddo toddobaad ah, waxaan lagu sii dayay 240 maxaabiis Falastiiniyiin, taas oo beddelkeeda xoogagga Falastiiniyinta ayaa sii daayay in ka badan 100 la haystayaal, oo ay ku jiraan ilaa 80 Israa’iiliyiin ah.