Garsoorka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sannad iyo badh xadhig ah ku xukumay Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye, oo kamid ahaa shakhsiyaad la shaqeynayay sirdoonka Soomaaliya.
Hay’adda Sirdoonka Jamhuuriyadda Somaliland (NIA) ayaa magaalada Hargaysa ku qabatey Cabdiraxmaan 17-December 2023.
Qoraal lasoo dhigay barta X ee hay’adda NIA ayaa lagu sheegay in Cabdiraxmaan uu hay’adda NISA ee Soomaaliya “u qaabilsanaa khalkhal galinta amniga iyo siyaasadda”.
National Intelligence Agency (Somaliland) NIA
@IntellSL
Garsoorka JSL ayaa sannad iyo badh xadhig ah ku xukumay Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye oo kamid ahaa shaqsiyaad sirdoonka Soomaaliya u qaabilsanaa khalkhal galinta amniga iyo siyaasadda Hay’adda ugu saraysa amniga SL ee NIA ayaa Hargaysa ku qabatey Cabdiraxmaan 17-December 2023.
Hay’adda NIA ayaa bishii December ee sanadkii hore 2023 sheegtay in ay qabteen labo nin oo ahaa sirdoodnka Soomaaliya gaar ahaan shaqsiyaad la shaqeyn jiray taliyihii hore hay’adda ee nabad sugidda Soomaaliya (NISA) Fahad Yaasiin.
Qoraal ay hay’adda NIA ku soo daabacday boggooda X ee horay loo odhon jiray Twitter, ayaa lagu sheegay in raggaasi hore u fuliyeen falal ka dhan ah jiritaanka Somaliland. Labada nin aya magacyadoodu kala yihiin Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye iyo Sahal Axmed Cabdilaahi.