Markii aanu garan weynay wax kale oo aan sameyno, waxaan bilownay inaan jarjarno oo aan cunno hilibka saaxibadeenii dhintay”

0

Markii aanu garan weynay wax kale oo aan sameyno, waxaan bilownay inaan jarjarno oo aan cunno hilibka saaxibadeenii dhintay.”

Waa hadalka ciyaaryahan dheela kubadda rugby-ga kaas oo u uku qoray warqadiisa uu ku qeexayo shil xun oo ay galeen.

Oktoobar 13, 1972, cayaartoyda kubadda rugby-ga ee Montevideo Old Christian Club ee Uruguay ayaa ka ambabaxay magaalada Santiago ee caasimadda Chile, iyaga iyo asxaabtooda iyo qoysaskooda si ay ugu qeybgalaan tartan u dhexeeya kooxo dalal kala duwan ka socda.

Gustavo Coco Nicolic ayaa ka mid ahaa Kooxdaas. Markaas 20 jir ayuu ahaa. Diyaarad ay leeyihiin ciidamada Cirka ee dalka Uruguay oo uu la socday ayaa ku burburtay buuraha Andes.

Shilkan ayaa ahaa mid ka mid ah shilalkii ugu layaabka badnaa taariikhda duulimaadyada caalamka, waxaana la yaab uu noqday markii uu soo baxay warka shilkan.

Shilkan, ayaa diyaaraddu waxay u kala jabtay laba qaybood. Diyaaradda ayaa burburtay kadib markii ay ku dhufatay buuraha Andes joogga sare ee 3500 mitir oo ka sarreeya heerka badda.

Shilkan ayaa dadkii saarnaa qaarkood ku naf waayeen halka qaar badana ay naftooda ku badbaadiyeen duruufo aad u adag.

Cimilada goobta ayaa waxay ahayd mid aad u daran oo maalintii kulaylkoodu aad u hooseeyo, habeenkiina qabow iyo baraf aan loo adkaysan karin.

Inta badan 40-ka rakaabka ee diyaaradda ayaa ahaa ciyaaryahannada rugby-ga, qoysaskooda iyo asxaabtooda.

Coco Nikolich waxa kale oo uu shilka ku qeexay laba xaraf, Cunista hilibka dadka dhintay si loo badbaadiyo dadka kale ee nool.

Waxay cuneen hilib meydadka saaxiibbadood oo dhintay si ay naftooda ugu badbaadiyaan. Warkan ayaa soo baxay ka dib markii soo ifbaxday waraaqda Nikolich.

Nikolich waxa uu warqadda ku qoray: ‘Ilaah waxa aan ka baryay in xaaladdan oo kale aanu la kulmin Laakiin waa ay nagu dhacday waxayna noqotay inaan iimaan iyo geesinimo la imaano sababtoo ah markaas mayd baa horteena yaal, waxaanu rumaysanahay in Ilaahay meeshaas noo dhigay.

Waxa uu qoray: ‘Haddii ay timaado maalin aan jirkayga loo isticmaali doono si aan u badbaadiyo nolosha qof kale, farxad ayaan dareemi lahaa.

Warqadda, Nikolic wuxuu ku sheegay sida diyaaradda meel kale loogu wareejiyay. Waxa uu qoray in cimiladu aanay wanaagsanayn maalintaas. Markaa duuliyihii iyo kaaliyaha duuliyaha ayaa go’aansaday inaysan si toos ah u aadin Santiago. Markii hore waxay ku qasbanaadeen inay u socdaalaan dhanka koonfureed oo ay maraan jidka ugu dhibka badan. Halkaas oo la rabay in laga gudbo silsiladaha buuraha.

Nikolic ayaa qoray: ‘Ma qiyaasi kartaa sida aan u badbaadnay? Haa, wax walba way fiicnaayeen ilaa ay diyaaraddu burburtay. Diyaaradeenu ma ahayn mid aad u wayn wakhtigaas, laakiin waxay ahayd meel fiican oo lagu nasto.

Waxaan haysanay biyo. Nasiib wanaag waxaa jiray qasac macaamiisha diyaaradda loogu talagalay, laba bax oo nacnac ah, saddex qasac oo kalluun ah, xoogaa shukulaato ah iyo laba dhalo oo wiski ah laakiin intee ayay nagu filnaan kartaa.

Waraaqihiisa, Nikolich wuxuu ku sheegay xanuunka uu la kulmay maalintii ugu horreysay ee shilka diyaaradda ka dib.

Wuxuu qoray: ‘Waxaan ku dhimanayaa qabowgan. Ma adkeysan karo. Waxaan u sheegay saaxiibkay Roman Moncho Sibella in aan wajahayno wax aan dhammaad lahayn. Meyd ayaa agteena yaalo. Ma garanayno cidda uu yahay. Kursiga iyo birta dhexdooda nin dhintay ayaa ku jiray.

Warqadan, wuxuu ku sheegay inta uu jecel yahay qoyskiisa. Waxa uu qoray in haddii uu nasiib u yeesho inuu ku laabto Montevideo, uu guursan doono gacaladiisa, kaliya ogolaansho iyada ka sugayo.

Ugu dambeyntii wuxuu warqadda ku sheegay rajada nolosha. Ciyaartoyda Rugby ee Roberto Canesa iyo Fernando Parrado ayaa socday toban maalmood iyaga oo rajaynaya caawimo. 72 maalmood ka dib burburka diyaaradda, shaqaalaha gurmadka ayaa badbaadiyay 16 qof oo ku go’doonsanaa buuraha.

Inkastoo aan la ogeyn halka ay ku dhacday diyaaradda, ayaa haddana kooxaha gurmadka waxay dhowr maalmood ku jireen baadi-goobka rakaabka la la’yahay ee ku hoos jira barafka ah. Madaama aan meelna laga helin, saraakiisha samatabixinta hawada Chile ayaa ku dhawaaqay in la hakiyay howlgalka samata bixinta.

Qof kastaa wuxuu mooday in dhammaan rakaabkii ku dhinteen shilkan.