Xaaska ninkii ku dhintay shilka uu wiilka madaxweynaha Soomaaliya ku lugta lahaa oo hadashay

0

Öznur Göçer oo ah xaaska ninkii u dhashay dalka Turkiga ee ku geeriyooday shilka gaari ee uu ku lugta lahaa wiilka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Xassan Sheekh maxamuud ayaa la hadashay warbaahinta Cumhuriyet ee dalka Turkiga.

“Waxaan ka cabanayaa qof kasta oo sababay geerida ninkayga iyo kuwa u ogolaaday in uu dalka ka baxo” ayay tiri Öznur Göçer.

Dawladda Turkiga ayay sheegtay in aysan sameyn tilaabooyinkii ay ka rajeyneysay inay qaadaan si ninkeeda uu cadaaladda u helo.

“Dowladdu waxay sheegayaan in wixii loo baahnaa la sameyn doono, balse anigu kuma qanci karo waxa ay leeyihiin,” ayay raacisay hadalkeeda.

Shilkaan oo 30 kii November ka dhacay meel u dhow waddada Eurasia Tunnel ee magaalada Istanbul, ayuu seyga haweeneydaan ku dhaawcmay, isaga oo dhintay lix maalmood kadib. Wuxuu ku geeriyooday Isbitaalka Tababarka iyo Cilmi-baarista ee magaalada Istanbul sida uu duqa Istanbul shaaciayay .

Muuqaallo lasii daayay oo ay duubeen kaamirooyinka CCTV ayuu duqa magalaadda Istanbul ku daabcay bogga uu ku leeyahay X oo horey loo oran jiray Twitter – waxay muujinayaan gaariga oo gadaal ugu dhacaya mootada, waddo mashquul badan.

“Waxaan haystaa gabar 15 jir ah oo dugsi sare dhigata. Waxaa kale oo ii jooga wiil sideed jir ah oo qaba xanuunka autism ka. Cunugeyga waa uu ka haray noloshii bulshada maadaama uu xanuunsanaa. Seygeyga iyo anigu waxaan isku dayaynay inaan nolosha ku toosino. Hadda cidlo ayaan taaganahay,” ayay tiri Öznur Göçer.

Booliska ayay ku eedeysay inay gudbiyeen warbixin qalad ah, taas oo horseeday inuu waddanka ka baxo eedeysanaha shilkaan.

Mootooleey dibad bax dhigay

Dhanka kale qoyska ninka dhintay iyo qaar kamid ah dadka ku shaqaysta mootooyinka ee adeegyada geeya ayaa maanta dhigay isku soo bax ay ku dalbanayaan inuu cadaalad helo wiilkoodii iyo saaxiibkood. Waxay socod cadlaado dalbasho ah ka soo bilaabeen halkii uu ka dhacay shilka oo ah Zincirlikuyu iyaga oo ku tagay illinka hore ee maxkamadda.

Madaxa xisbiga CHP ee gobolka Istanbul Özgür Çelik ayaa taageero u muujiyay dubadbaxayaasha.

Sida ay tibaaxayso xogta lagu daabacay Haber Yorun, wuxuu maxkamadda horteed ka sii daayay khudbad, isaga oo dhaliilay maqnaashaha wiilka ku lugta leh shilka sheegayna “inuu isaga tagay dalka isaga oo madaxbanaan”.

Wuxuu sheegay “Inkiiskaan uu yahay mid iyaga oo dhan wada quseeya, ayna la socon doonaan ilaa dhamaadka”.

Baaritaan booliska ah oo bilowday

Wasiirka cadaalada Turkiga Yılmaz Tunç ayaa shaaca ka qaaday in la bilaabay baaritaan maxkamadeed oo ka dhan ah saraakiisha booliiska ee sameeyay baaritaankii shilka iyo qiimeyntii qaladka koowaad ee shilka gaadiidka ee uu galay wiilka uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya.

Sarkiil ka tirsan Ciidanka waddooyinka ayaa bilaabay baritaan lagu ogaanayo cidda leh khaldka ayada oo sidoo kale la sugayo warbixinta uu soo saari doono shaybaarka cilmiga ah.

Dowladda Turkiga ayaa hore u soo saartay amar caalami ah oo lagu soo xirayo wiilka Madaxweynaha oo sheegeen in dalka uu ka baxdasay kadib shilka.

Dacwad oogaha Turkiga ayaa soo saaray amar caalami ah oo lagu soo xirayo kadib boqasho ay ku tageen guriga ninka shilka ku geeriyooday, sida wakaaladda wararka AFP ay kasoo xigtay warbaahinta gudaha.

“Magaca uu doono ha lahaadee, qof kastaa waa u siman yahay sharciga, waxaan mari doonta hananka caalamiga ah si aan u soo qabno cidda masuulka ka ah shikaan baaritaankaan si taxadar leh ayuu u socada ” ayuu yiri wasiirka Caadaladda Turkiga .

Wiilka madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud wali kama hadlin arrintaan.

Sidoo kale xariirro ay BBC-da la sameeysay Madaxtooyada Soomaaliya iyo safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga si aan wax uga weydiinno arrintan ayaan suurtogelin.

Turkiga iyo Soomaaliya ayaa tobankii sano ee la soo dhaafay waxaa xiriirkooda diblumaasiyadeed uu ahaa mid sii xoogeysanayay, iyadoo Turkiga ka kaalmeeyo Soomaaliya kaabeyaasha dhaqaalaha, tababarrada ciidamada iyo gargaarka bani’aadanimo.