Toonta laga keeno Shiinaha ma waxaa lagu beeraa biyaha bullaacadaha?

0

Toonta laga soo dhoofiyo Shiinaha ee la geeyo Mareykanka ayaa laga muujiyay walaac waxaana la sheegay inay khatra ku tahay ammaanka qaranka.

Xildhibaan Mareykan ah ayaa dowladda ugu baaqay inay baarto dhibaatooyinka ay amniga qaranka ku leedahay toonta laga keeno Shiinaha.

Rick Scott oo ah sanatar ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ayaa Xoghayaha Dhaqaalaha u diray warqad u uku sheegayo in toonta Shiinaha laga keeno aysan lahayn badqab. Wuxuu sheegay in toontan loo beero qaabab aysan nadaafaddoodu fiicneyn.

Shiinaha waa dalka toonta ugu badan u dhoofiya dunida, Mareykanka ayaana ah dalka inta ugu badan isticmaala.

Muxuu leeyahay sanatarku?

Sanatarka Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay arrintaas wuuxuna warqaddiisa ku sheegay ‘inay jiraan walaac caafimaad oo halis ah oo bulshada Mareykanka soo wajahay marka la eego tayada toonta lagu beero dibadda, gaar ahaanna toonta lagu beero Shiinaha.’

Warqaddiisa, wuxuu ku faahfaahiyay qaababka loo beero toonta. Wuxuu sheegay in sida loo beero lagu soo bandhigo muuqaallo dokumentiyo ah, baraha cunnooyinka lagu soo bandhigo iyo barnaamijyo.

Sidoo kale, wuxuu sanatarkan Mareykanka sheegay in toonta lagu beero biyaha bullaacadaha.

Wuxuu ka codsaday Wasaaradda Dhaqaalaha inay arrintan tallaabo ka qaaddo. Wuxuu ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo in soo dhoofinta gaar ahaan toonta uu saameynayo ammaanka Mareykanka.

Waxaa intaa dheer, in sanatar Scott uu ku baaqay in noocyada kala duwan ee toonta la baaro.

Wuxuu warqaddiisa ku qoran in dhammaanba noocyada toonta, iyadoo dhan, iyadoo diirka laga qaaday, la qaboojiyay amaba biyo lagu soo dhex riday ay tahay in baaritaan lagu sameeyo.

Maxaad ka taqaan toonta iyo faa’iidada ay kuu leedahay?

Soomaalida ayaa si weyn u isticmaasha khudaarta toonta, inta badan waxaa lagu darsadaa cuntada, waana khudrad caan ku ah in loo adeegsado arrimo caafimaad.

Toonta waxay kamid tahay khudaarta ugu da’da weyn ee dunida laga beerto, geedka toonta waa mid adkeysi badan oo in muddo ah soo jiray, waxay bahwadaag yihiin sida basasha, basaaska iyo kuwa kale.

Waxa ay leedahay caraf gaar ah, weyna ka soocan tahay khudaarta kale. Waxay leedahay dhadhan gooni ah, dadka qaarna ma jeclo dhadhankeeda xitaa iskuma dayi karaan inay ruugaan. Waxaad arkeysaa dad badan oo cuna toonta ama cabba biyaha laga sameeyo gaar ahaan qofka marka uu hergeb ku dhaco ama in loo adeegsado dawo ahaan.

Waxa sida weyn loo isticmaalo waa xiddidada geedka toonta, hashii toon waxay ka kooban tahay qeybo yar yar oo gaaraya 20.Toonta waxaa laga helaa nafaqooyin fara badan oo waxtar u leh banii’aadanka, waxaana kamid ah:

Tamarta u wanaagsan jirka banii’aadanka oo lagu qiyaasay 4Kcal / 16KJ. Waxay dadka ka caawisaa jir dhiska waxaana ku jirta maaddada borootiin. Toonta waxaa kale oo laga helaa maddooyinka karbohaydraytyada ah iyo macdanta Potassium-ka ee isku dheelitirta shaqada unugyadeenna jirka.

Qof kasta ma isticmaali karaa toonta?

Waxaa dhif ah in qofka isticmaalo toonta ay u horseeddo xasaasiyad ama halis kale oo caafimaad.

Dadka qaar ee adeegsada toonta waxaa laga yaabaa inay la kulmaan calool qabad, in uu ku kaco gaaska caloosha ama shuban-xaaladahaas qofka wuxuu isku arki karaa marka uu qaato toonta aad u fara badan.

Fiiro gaar ah:

Dhammaan xogaha ku saabsan caafimaadka ee lagu soo bandhigay BBC-da waxaa loogu talogalay wargelin guud oo keliya, mana beddeli karaan talooyinka uu ku siiyay dhakhtarkaaga ama ay bixiyaan khubarada kale ee ka shaqeeya howlaha caafimaadka.

Haddii aad walaac ka qabtid caafimaadkaaga guud, waa in aad la xiriirtid dhakhtarka ka howl gala Meesha aad ku sugan tahay.