Eey madaxweyne leeyahay oo qaniinay madaxweyne marti u ahaa

0

Eeyga madaxweynaha Moldova ayaa gacanta ka qaniinay madaxweynaha Austria xilli uu booqasho rasmi ah ku joogay dalkaasi.

Madaxweynaha Austria Alexander van der Bellen ayaa la kulmay dhacdadaan oo hadal hayn badan ka abuurtay gudaha labada dal iyo guud ahaan warbaahinta adduunka.

Muuqaalo ay baahisay warbaahinta Moldova ayaa muujinaya van der Bellen oo la taagan Sandu oo madaxweynaha Moldova iyo Codrut oo ah eey ay leeyahay.

Labada Madaxweyne ayaa ku sugan banaanka hore ee Madaxtooyada Moldova Markii eygu qaniinyada u gaystay Madaxweynaha Austria ayada oo isla markiiba laga fujiyay .

Madaxweynaha ayaa foorasaday oo isku dayay in dhabarka uu ka saalaxo eyga balse gacanta ayuu ka qaniinay.

Qaniinyadda eyga ee madaxweynaha oo ah mid jabinaysa hab-maamuuska caalamiga ah ayaan sababin in uu xumaado xariirka dowladaha Austria iyo Moldova.

Alexander van der Bellen Madaxweynaha Austria oo boggiisa Instagram-ka soo dhigay xogta ku saabsan dhacdadan ayaa tilmaamay in aysan ahayn mid way, balse waxaa uu qiray in ay buuq abuurtay, isaga oo maalintii ugu danbeeysay safarkiisa dalkaasi soo bandhigay sawirka madaxweynaha Moldova Maia Sandu oo xariga ku haysa eygeeda si ay u xakameeyso.

“Qof walba oo i garanaya waa uu ogayahay inaan ahay qof jecel eeyga oo fahmi kara farxaddiisa wax weynna aan u arkin arintan” ayuu yiri Mr van der Bellen.

Sidoo kale qoraal ka soo baxay xafiskiisa ayaa lagu sheegay in qanuiinyadu ahayd “nabar yar oo faashad lagu daweeyey”.

Mar kale ayuu warbaahinta ka soo muuqday isaga oo gacanta ka duuban kadib kulan uu la qaatay afhayeenka baarlamaanka Moldova.

Madaxweynaha Moldova ayaa raali gelin ku bixisay, waxayna ay sheegtay in eygu diidana in dad badan ay u soo dhawaadan.

Madaxweynaha Austria ayaa ku sugnaa dalka Moldova si uu ugula hadlo rabitaanka Moldova ee ku biirista Midowga Yurub.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Eey Madaxweyne leeyahay uu dad qaniino. Si la mid ah middan ayaa eyga madaxweynaha Mareykanka Joe Biden wuxuu hoer u qaniinay dhawr qof.

Egyga ayaa qaniinay qaar ka mid ah shaqaalaha Aqalka Cad taas oo markii danbe keentay in laga saaro madaxtooyada oo meel kale la geeyo.

Sida ay ku soo warrameen warbaahinta Mareykanka, eygan ayaa markii uu qanniiyada geystay waxaa dib loogu celiyay gurigii uu degenaa madaxweyne Biden ee uu ku lahaa magaalada Wilmington ee gobolka Delaware, ka hor inta uusan aqalka cad u soo wareegin.

Eyga Madaxweynaha ayaa loo arkay in uu halis ku yahay amaanka madaxweynaha dalka Mareykanka oo aad loo ilaaliyo .

Eeyga uu xanaaneysto madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo xaaskiisa ayaa aqalka cad loo soo wareejiyay kadib markii xilka loo dhaariyay Biden.

Eygan ayaa la sheegay in uu la soo baxay dabeecado qallafsan markii la geeyay aqalka cad. Madaxweynaha Mareykanka ayaa eygan soo korsaday saddex sano ka hor. Waxaa uu noqonayaa xayawaankii ugu horreeyay ee inta aqalka cad la geeyo kadibna laga saaro.

Ilo aan la shaacinin ayaa warbaahinta CNN u sheegay in eyga uu buuq iyo boodbood ku wareeriyay shaqaalaha ammaanka qaabilsan ee aqalka cad.