Askar Yugaandhees ah oo maxkamad ay shaqada uga ceyrisay fulaynimo ah inay Al Shabaab ka carareen

0

Maxkamad milateri oo Uganda leedahay ayaa laba sarkaal ku heshay dambi ah fulaynimo, ka dib markii ay Al Shabaab weerar ku qaadeen xeradii ciidankaas bishii May.

Laba gaashaanle oo la kala yiraahdo Zadock Abor iyo John Aluka ayaa cararay ka dib markii xeradoodii Buulamareer la soo weeraray.

Ugu yaraan 50 askari oo Uganda u dhalatay ayaa ku dhintay weerarkaas sida ay saraakiil sheegeen.

Madaxweyne Museveni ayaa dhaleeceeyey sidii ay ciidankiisu u jawaab celiyeen.

Maxkamadda oo dhegeysigeedu ka socday Muqdisho ayaa dhegeysatay kiiska, kuwaasoo sida la sheegay looga sii digay in weerar uu ku soo socdo, balse ay ku guuldarraysteen inay ka hor atagaan.

Markii ay Al Shabaab soo galeen saldhigaas, waxay askartaas ku guul darraysteen inay ciidankoodii la hawlgalaan, ayagoo taa beddelkeedana u cararay saldhig kale.

Labada sarkaalba waxaa laga eryey ciidanka.

Afar sarkaal oo kale ayaa iyagana laga eryey ciidanka ka dib markii lagu helay inay ku guul darraysteen inay ilaaliyaan qalabkii ciidanka.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Uganda ayaa dhaqan ahaan kiiska ku dhagaysata halka ay ku taal oo ah xafada Makindye oo ka tirsan caasimadda Kampala, balse waxaa ay mararka qaar dacwadaha ku qaada halka ciidanka uu ka howalgalo.

Ilaa iyo 54 askari oo ka tirsan ciidanka Uganda ayaa la dilay kadib markii ururka al Shabaab ay cagta mariyeen saldhig ciidan oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) oo ku yaalla Magalladda Buulo Mareer oo qiyaastii 120 KM dhanka koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Afhayeenka ciidanka difaac Uganda, Felix Kulayigye ayaa sheegay weerarkii Bulalamareer kadib in dowladdiisu ay baaritaan ku sameyn doonto weerarkii ciidankeed lagu qaaday .

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni oo waqtigaasi ka hadlay weerarka xerada ciidankiisa ee Bulalmareer ayaa daboolka ka qaaday in qaar ka mid ah askarta aysan si fiican u dagaalamin, isla markaana ay “argagaxeen,” taasina ay keentay, in al-Shabaab ay ka faa’ideystaan oo ay saldhiga la wareegaaan, isla markaana ay burburiyaan qalabkii yaallay.

“Argagaxu gebi ahaanba ma ahayeen mid loo baahnaa, ciidankeenu waxay burburiyeen saddex baabuur oo walxaha qarxa ah laga soo buuxiyay ka hor inta a aysan gudaha u gelin saldhigga,” ayuu yiri madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

Ma ahan markii ugu horeeysay oo Muqdisho lagu maxkamaddaynayo askar ka tirsan ciidanka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaliya. 12-kii bishii November ee sanadkii 2021 kii, shan ka mid ah askarta Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa lagu helay dambi ah inay dileen 7 qof oo rayid ah, iyadoo labo ka mid ah askarta lagu xukumay dil, halka saddexda kalena lagu xukumay 39 sano oo xarig ah, sida xilligaas lagu sheegay qoraal kasoo baxay howgalka ATMIS.