Baadariga Pope Francis: Magaca Ilaahey ha lagu joojiyo dagaalka Gaza

0

Baadariga Pope Francis ayaa baaq degdeg ah u diray Axaddii, si loo joojiyo colaadda Gaza, isaga oo ku baaqay gargaar bini’aadantinimo iyo in la caawiyo dadka dhaawaca ah, si loo yareeyo xaalad “aad u halista badan”.

“Waxaan si joogto ah uga fikirayaa xaaladda khatarta ah ee Falastiin iyo Israa’iil oo dad badan ay ku naf waayeen, waxaan idinkugu baaqayaa inaad rasaasta ku joojisaan magaca Ilaahey,” ayuu u sheegay dad isugu soo baxay fagaaraha St. Peter’s Square.

Waxa uu yiri, “Waxaan rajaynayaa in wax kasta oo awoodeenna ah la samayn doono, si looga fogaado in colaaddu sii ballaarato, si loo badbaadiyo dadka dhaawaca ah, iyo in gargaar la gaarsiiyo dadka Gaza, oo ay xaaladooda bini’aadantinimo aad u daran tahay.”

Pope-ku waxa uu soo cusboonaysiiyay baaqiisii xabad joojinta iyo sii deynta la haystayaashii ay Xamaas qafaasheen intii uu socday weerarkoodii 7-dii October, isaga oo diiradda saaraya carruurta, kuwaas oo uu yiri “Waa in loo celiyo qoysaskooda”.

Francis, oo 86 jir ah, ayaa horay ugu baaqay in la furo waddooyinka bini’aadantinimo, wuxuuna sheegay in xal laba dowladood ah ay lagama maarmaan tahay, si loo soo afjaro dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas.