Dalxiisayaal u dhashay Israaโ€™iil oo lagu dilay Masar

0

Labo dalxiise oo Israaโ€™iiliyiin ah iyo ninkii waday oo Masaari ah ayaa lagu toogtay magaalada loo tamashalaha tago ee Al-Iskandariya sida ay sheegtay Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Israaโ€™iil.

Askari boolis ah ayaa rasaas ku furay koox dalxiisayaal Israaโ€™iiliyiin ah oo joogay magaalada, askarigu hadda wuu xiran yahay sida la soo weriyay.

Telifishanka Extra News ayaa isna ka soo weriyay il wareed dhinaca amaaanka ah oo aan la sheegin in uu jiro dhaawac qof kale gaaray.

Waa weerarkii ugu horreeyay ee noociisa ah muddo tobannaan sano ah oo Israaโ€™iiliyiin loogu gaysto gudaha Israaโ€™iil.