Dad ka dibadbaxayey Ciidamada Qaramada Midoobey ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo oo la laayey

0

Ugu yaraan 48 qof ayaa hadda la og yahay in lagu dilay rabshado Arbacadii ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

 

Isku dhacyo ayaa ka dhacay magaalada Goma kadib markii ciidamada amaanku ay sameeyeen howlgalo ay ku joojinayaan banaanbax looga soo horjeedo Qaramada Midoobay oo ay abaabulayeen koox diimeedyo kasoo horjeeda ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee dalkaasi ku sugan.

Hawlgalka Qaramada Midoobay ee dalkan ayaa ah mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn caalamka, laakiin waxaa lagu dhaleeceeyay inay ku guuldareysteen joojinta rabshadaha u dhexeeya kooxaha hubaysan ee ka hawlgala bariga dalkaasi.