Ugu yaraan 40 ayaa lagu dilay, in ka badan 130 kalena waa lagu dhawaacay kaddib markii uu qarax ka dhacay fagaare ku yaala gobolka woqooyiga galbeed ee Khyber Pakhtunkhwa ee Pakistan sida ay boolisku sheegeen.
Boolisku waxa kale oo uu sheegay in illaa hadda aan la garanayn waxa sababay qaraxa, kaas oo ka dhacay fagaare ay isugu yimaadeen xisbiga konsarfatifka ee Jamiat Ulema Islam-Fazl (JUI-F), kaas oo lala xiriiriyo islaamka xag jir ka ah, dhulka qabaa’ilka ee Bajaur.
“JUI-F waxay soo qaban qaabiyeen shirka shaqaalaha magaalada Khar ee gobola Bajaur, halkaas oo 40 qof ay naftooda ku waayeen, iyadoo in ka badan 130 kalena ay ku dhaawacmeen,” sidaas waxa wakaaladda warrarka ee Reuters u sheegay afhayeenka booliska degmada Nazir Khan.
Afhayeenka boolisku waxa uu sheegay in xaalad deg deg ah looga dhawaaqay isbitaalada Bajaur iyo goobaha la geeyay dadka dhaawaca ah.
Pakistan waxay waayadan wajahaysay kacdoonka weerarrada kooxaha minditiinta islaamiyiinta ah tan iyo sanadkii la soo dhaafay, kaddib markii ay burburtay xabad joojintii u dhaxaysay kooxda Tehreek-e-Taliban ka Pakistan iyo Islamabad.