Xayiraadihii saarnaa magaalooyinka Ruushka oo la qaaday

0

Marka laga soo tago wararka sheegaya in ciidamada Wagner ay ka baxeen koonfurta magaalada Rostov-on-Don, warbaahinta maxalliga ah ayaa sidoo kale ku warramaysa in xannibaadaha waddooyinka la qaaday.

Horaantii, markii calooshood u shaqeystayaasha Wagner ay u sii socdeen waqooyiga Moscow iyagoo ka yimid Rostov, mas’uuliyiinta Ruushka waxay xireen waddooyinka iyagoo isku dayaya inay joojiyaan socodkooda.

Hadda warbaahinta dowladda ee TASS ayaa sheegtay in dhammaan xannibaadaha waddooyinka laga qaaday magaalooyinka Rostov, Lipetsk iyo gobollada kale ee ay saarnayaan xanibaadaha socdaalka.

Sidee kooxda Wagner looga celiyay Moscow iyadoo ay u jirto 200km kaliya?

 

Waxay ahayd nus saac cajiib ah iyadoo war lama filaan ah uu ku sheegay in askarta Wagner ay joojin doonaan socodka Moscow.

Madaxa Wagner, Yevgeny Prigozhni: ayaa yiri “Waxay rabeen inay kala diraan shirkadda milatariga ee Wagner, waxaanu galnay socod cadaalad ah 23 June.

24 saac gudahood, waxaan gaarnay meel 200km u jirta Moscow. Waqtigan ma aan daadin hal dhibic oo ka mid ah dhiigga dagaalyahannadayada.

waxaan u jeedinaynaa tiirarkeenna oo aan dib ugu laabanaynaa xerooyinka garoonka sidii la qorsheeyay.”

Hadalka Prigozhni waxa lagu daawaday kanaalkiisa Telegram iyadoo ay daawadeen in ka badan saddex milyan oo qof.