Doorashada Mareykanka 2024: Siduu Biden ka yeeli doonaa caqabadda dhanka da’da?

0

Waqtigu cidna ma sugo, waa maahmaah – Joe Biden oo 80 jir ahna, taasi caqabad ayay ku noqon kartaa. Madaxweynaha Mareykanka maku qancin karaa codbixiyeyaashiisa in da’diisu aysan dhib ku noqon doonin?

Biden ayaa shalay ku dhawaaqay inuu doonayo inuu afar sano oo kale xil ka qabto Aqalka Cad. Dadka Ameerikaanka ah, sida ku xusan ra’yi uruurin ay sameysay NBC News, aa duma hubaan.

Qiimeyntan ayaa muujineysa in 70% dadka Ameerikaanka ah – iyo 51% Dimuqraadiyiintu – ay qabaan inuusan mar kale u tartamin madaxtinnimada. Waana da’diisa tan ay walaaca ugu weyn ka qabaan kala bar kuwa doonayo in madaxweynuhu uusan tartamin sanadka 2024.

Mr Biden haatanba waa madaxweynihii ugu da’da weynaa ee soo mara dalka Mareykanka. Haddii ay noqoto in mar kale la doorto, waxaa lagu caleemasaari doonaa da’da 82 wuxuuna xilka dhammeysan doonaa isagoo 86 jir ah. Sida laga soo xigtay waaxda saadaalinta da’da ee dalkaasi Mareykanka, inta uu sii noolaan karo nin 82 jir ah waa 6.77 sano, iyo 8% fursad ah inuu ku dhinto 12 bilood gudahood.

 

Sida uu qabo la taliye ruugcaddaa ah oo dhanka siyaasadda ah Bob Shrum, da’du waxay keliya dhibaato noqon kartaa haddii Biden u uku tartato ololaha. Haddii ay saas dhacdana, Jamhuuriyiinta oo markii horeba tooshka la daba socday Biden – waxay diyara u noqon doonaan inay taas sabab uga dhigaan in Biden uusan u qalmin madxatinnimada.

Sanadkii hore, 54 Jamhuuriyiin ah oo Aqalka Wakiillada ka tirsan ayaa saxiixay warqad ay u dirayaan Aqalka Cad iyagoo “walaac” ka qaba xaaladda garaadka ee Biden isla markaana dalbanaya in laga baaro xanuunka asaasaqa.

Warqaddan ayaa waxaa ku qornaa tiro khaladaad dhanka tallaabada ah iyo hadallo uu yiri Biden intuu madaxweynaha ahaa.

“Khaladaadkan dhowaan dhacay ma aha kuwa keliya, iyagoo qeyb ka ah taraiikh ballaaran oo ficilladaada ah oo muujinaya hoos u dhaca garaadka,” ayaa warqadda lagu yiri.

Arrimahan waxaa hore uga dhawaajiyay Donald Trump, oo haatan hoggaanka u haya cidda u tartameysa Jamhuuriyiinta sanadka 2024. Sanadkii hore wuxuu Trump dhowr jeer taageerayaashiisa u shiday muuqaal muujinaya Biden oo tallaabada gafaya.

“Joe Biden si waadax ah uma haldi karo,” ayuu yiri Mr Trump markii uu muuqaalka shidayay mar uu isu soo bax bishii October ku qabtay Arizona. “Si hagaagsan uma fekeri karo.”

Sida uu qabo Jim Messina, oo horkacayay ololihii dib u doorashada Barack Obama sanadkii 2012, Dimuqraadiyiintu waxaa laga yaabaa inay ku tashanayaan in Trump – oo keliya afar sano ka yar Biden – ay ka caawin karto inay meesha ka saaraan arrinta da’da.

“Codbixiyeyaasha ayaa leh, eeg, labadooduba waa da’,” ayuu Mr Messina u sheegay BBC Americast podcast. “Ii sheeg yaa nolosheyda hagaajin doona.”

“Dimuqraadiyiintu hal arrin ayay habeen walba sameeyaan,” ayuu intaa ku daray. “Waanu fadhiisannaa, jilbaha ayaan dhulka dhigannaa, Ilaah ayaana ka barinnaa in Donald Trump uu noqdo qofka ay Jamhuuriyiintu usoo magacowdaan ninka u tartamaya madaxtinnimada.”

Joe Biden ayaa haatan xaqiijiyay inuu u istaagayo Dimuqraadiyiinta, halka Donald Trump ay iska caddahay inuu yahay kan u sharraxan Jamhuuriyiinta.

Waa taariikh aan hore u aragnay keliyana dad aad u yar ayaa doonaya inay arrintaas isha ku hayaan. Ra’yi ururin dhowaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in keliya 5% dadka Ameerikaanka ah ay rabaan in labadaba Madaxweyne Biden iyo madaxweynihii hore Trump ay mar kale tartamaan halka 38% ay doonayaan in midkoodna uusan tartamin.

Mid ka mid ah sababaha Biden ay uga go’an tahay inuu mar kale tartamo ayaa ah inuu aaminsan yahay inuu yahay kan keliya ee ka reyn kara Trump. Waynu eegi doonnaa. Waxa runta ah ayaase ah inuu yahay kan keliya ee ka raayay.