Dhambaal la qoray bishii Febraayo ee sanadkii 1916-kii ayaa gaadhay aqal ku yaalla koonfurta London in ka badan 100 sano ka dib.
Bashqadda oo ku shaabadeysan (1P) oo ah shilinkii xilligaas la isticmaali jiray oo u u ku sawiranyahay boqor George-kii shanaad ee Ingiriiska, ayaa soo gaadhay guriga uu daganaa Finlay Glen oo ku yaal waddada Hamlet ee xaafadda Crystal Palace, 2021-kii.
Wuxuu yiri: “Dabcan filan waa ayey nagu noqotay waxaannu la amakaagnay halka ay taallay in ka badan boqol sano.”
Shirkadda Royal Mail ayaa sheegtay in aan “ la xaqiiji Karin waxa dhacay”.
Warqadda ayaa la diray laba sano ka hor inta aan lagu dhaqaawin sahayda dagaalkii kowaad ee aduunka iyadoo Boqor George-kii shanaadna uu kursiga ku fadhiyo shan sano.
Harold Wilson iyo Sir Edward Heath oo labuduba raysal wasaare ka noqon doona Ingiriiska ayaa labaduba dhashay dhamaadka sannadkaas.
Inkasta oo ay dembi tahay inaad furto warqad aan adiga kuu soconin, sharciga adeegga boostada 22 2000-kii, agaasimaha masraxa ayaa sheegay inuu dareemay inay iska caadi tahay inuu furo ka dib markii uu ogaaday inay ahayd 1916 ee aanay ahayn 2016.
27-tan jirkan ayaa intaa ku daray ”Hadii aan dembi ku dhacya, raali gelin umbaan ka bixin karaa.”
Waxay warqaddu ku socotay “katie-tayda qaaliga ah”, xaaska Oswald Marsh, sida lagoo xigtay Stephen Ozford oo ah tifaf-tiraha joornaalka maxalliga ah ee Norwood oo saddexdii biloodba hal mar soo baxa.
Oswald Marsh waxaa lagu sheegay inuu ahaa mid ka dillaaltama shaamabadaha waraaqaha rasmiga ah la saaro oo loo yeeran jiray marka laga shakiyo rasmi ahaanshaha shaabadaha saaran waraaqaha.
Waxaa qoray gabadh qoyska la saaxiib ahayd oo la oran jiray Christabel Mennel, oo ah gabadh ka dhalatay qoys hantiile ah oo ka ganacsada caleenta shaaha ee Henry Tuke Mennell, mar ay dalxiis ku joogtay Bath.
Waxay dhambaalka Ms Mennell ku sheegtay, “yaxyax ayaan dareemayaa ka dib markaan sheegay waxa aan sameeyay,” iyo inay dareemayso “ silac halkan oo aad u qabow”.
Mr Oxford wuxuu yiri: “Waa wax aan caadi ahayn oo runtii aad u xiiso badan marka dib loo eego hogaanka taariikhda deegaanka iyo dadkii ku noolaa Norwood, taas oo ahayd meel aad ugu caan ahayd qoysaska ladan ee heerka dhexe dhamaadkii 1800-meeyadii.
“Crystal Palace waxa ay abuurtay dad aad u hodan ah oo aad u badan, sidaas darted inaad ogaato qof halkan ugusoo guuray isla babtaas awgeed ayaa ah mid aad u xiiso badan.”
Mar la weydiiyey waxa uu sameyn lahaa hadii ay la soo xiriiraan qoyska qofka warqadda soo diray amaba kuwii loo diray wuxuu Glen ku jawaabay: “ waa qayb cajiib ah oo ka mid ah taariikhda qoyskooda oo soo baxday hadii ay u baahanyihiin way ii imaan karaan.”
Sheekada ayaa markii u horeysay kasoo muuqatay joornaalka koonfurta London Arbacadii aanu soo dhaafnay.
Af-hayeen u hadlay Shirkadda boostada ee Royal Mail ayaa yiri: “ Dhacdadan oo kale marar badan ayey dhacdaa mana cadeynkarno waxa dhacay ..
“ Waan ku faraxsannahay in ay dadka xiiso galiso taariikhda warqaddan ka timid 1916-kii balse ma haynno wax xog ah oo ku saabsan sida ay wax u dheceen.”
xigasho BBC