Wiil Soomaali ah oo ka badbaaday dhulgariirkii Turkiga oo ka sheekeeyay waxa uu lasoo kulmay

0

Hadda waan nabad qabnaa waxaan ku suganahay magaalada Ankara oo aan saaka soo gaarnay, ilaa habeen hor waxaan la xiriirinaynay safaaradda Soomaaliya ee Ankara waxaan u sheegnay inta ay ardey ee Soomaali ah ee aan nahay ee ku go’doonsan magaalada , sidaa darteed, safaaradda ayaa naga caawisay in imaanno halkan , waxay inoo soo dirtay lacagtii aan baabuurta ku raaci laheyn oo qaali aheyd sidaas ayaan kusoo baxynay, xaley waxaan kusoo baxnay 36 qof dhammaanteen Ankara ayaan joognaa”.

 

Yuusuf wuxuu sidoo kale ka sheekeeyay dhibaatooyinkii ay kala kulmeen dhulgariirka iyo waxa uu wadada kusoo arkay intii uu dhexda kusoo jiray.

“Wadada kasoo baxda magaaladii aan joognay ee soo aada Ankara wey burburtay oo lama soo mari karin, waxaan aragnay guryo dumay, dhismayaal dhulka galay waddooyinkii uu dil-dilaacay oo baabuurta aysan xitaa mari karin ,waxaana laga marayay waddo qardo-jeex ah , baraf ayaa aad u da’ayay , gawaarida gargaarka iyo gawaari kale oo shil galay “. ayuu yiri Yuusuf Calasow.

Ha’yadda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ka digtay musiibo labaad, xilli boqollaal kun oo qof oo ku sugan gudaha dalalka Turkiga iyo Suuriya ay weli guryo la’aan yihiin amaba aanay haysan adeegyadii asaasiga ahaa kaddib dhulgariirkii Isniinta halkaas ku dhuftay.

‘Waxaa noogu darnaa qabowga iyo cunno la’aan’