#Somaliland Markab weyn oo sida dhawr riig iyo qallabka shiidaalka lagu soo saaro oo uraran shariikadda CPC Corporation ee laga leeyahay dalka Taiwan ayaa usoo shiraacday dhinaca dekedda Berbera ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Shariikadda CPC ayaa dhawaan la filaya inay bilawdo soo saarista shiidaal ay shariikadda Genel Energy ee dalka ingiriisku ka sahamisay deegaanka Oodweyne ee loo yaqaano SL10B13.
Baadhitaan 5 sannadood socday oo shariikadda Genel Energy ay ku samaysay dhulka Hawdka iyo gubanka koonfureed ee Hargeysa ilaa Togdheer ayey sheegeen inay ka helleen salliid lagu qiyaasay cadadkeeda 50 bilyan oo barrel.