SHAKAAL TV waxaa maal gashaday ganacsato is bahaysatay oo kasoo jeeda degaanka soomalida itoobiya, waxaana la sheegay in uu madax banaan yahay, wasiir xafiiska warfaafinta ee degaanka soomalida itoobiya cabdirashiis ducaale aya ka qaybgalay furitanka aya yidhi T V gani wuxuu kusoo biiray warbaahinta degaanka waana soo dhawaynaynaa ayuu yidhi, wasiirka ayaana fariin udiray warbaahinta kale ee wali aan sharciga helin inay buuxiyan shuruudaha hor yaala si ay ugu hogaansamaan shaqada baahinta sharciyada ku xidhan,,
Maxamed dheeg caagane oo ah mareyaha TV ga cusub ee SHAKAAL ayaa yidhi Labo sano ayay nagu qaadatay in aan sharci helno waayo sharciyada warbaahinta iyo furfurnaanta ayaa adkayd dalkan inkastoo hada la dabciyay oo caawaba aanu daahfurnay oo lagu damaashaadayo,
Hadaba Guud ahaan dalka Ethiopia ma jiraan warbaahin si madaxbanaan warar u baahin karta oo waxay la kulmayaan ciqaab iyo xadhig, tusaale ahan labo sano ka hor Tv la odhan jiray Nabad TV ayaa jigjiga laga hirgaliyay aakhirkiina albaabada ayaa loo laabay markii uu baahiyay dhaliilo xukuumada deganka soomalida ah,