Xisbiga Jamhuuriga ee Maraykanka oo ku guulaystay koontaroolka aqalka wakiillada
Xisbiga Jamhuuriga ayaa ku guuleystay kurigii laba boqol iyo siddeed iyo tobnaad, kaas oo u dhameystiray aqlabiyaddii ay u baahnaayeen inay ka helaan Aqalka Wakiilada Mareykanka, ka dib doorashadii dhexe ee todobaadkii hore dhacday.
Dimuqraadiyiintu waxay iyaga haystaan golaha senet-ka. Jamhuuriga ayaa sidoo kale hogaaminaya aqalka hoose – in kasta oo aysan tiro badan ku hoggaaminyn hadana – waxay xaddidi doontaa awoodda Madaxweyne Biden si uu u meelmariyo ajandihiisa sharciyeed.