Dad toorey lagu weeraray oo uu ku jiro ciyaaryahan ka tirsan kooxda Arsenal

0

Hal qof ayaa ku dhintay ugu yaraan shan kalena waa ay ku dhaawacmeen –oo qaarkood dhaawacyadoodu ay halis yihiin kadib markii weerar tooreey loo adeegsada uu ka dhacay dukaan weyn oo ku dhow magaalada Milano ee dalka Talyaaniga, sida ay booliisku sheegeen.

Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in nin da’diisa lagu qiyaasya 30-jir kana mid ahaa dukaanleyda waaweyn ee aagga wax ka dhaceen uu dhintay.

Dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah Pablo Mari, oo ah ciyaaryahan kubadda cagta ah oo amaah uga maqan kooxda kubadda cagta Arsenal.

Eedaysanaha falkaan oo 46 jir ah ayaa la xiray. Booliska ayaa meesha ka saaray in weerarku ahaa mid  argagixiso.

Wararka ayaa sheegaya in qofka weerarka geystay uu qabay dhibaatooyin dhanka caafimaadka maskaxda ah, waxaana uu hubka ka soo qaatay xaruun laga dukaamaysto oo ku taalla halka wax ka dhaceen.

Ninkan weerarka gaystay ayaa bilaabay inuu dadka toorey la dhaco si aan kala sooc lahayn,waxaana falkaan ka dhashay argagax iyo isku dhex-yaac.

Qaylo ayaa la sheegay in laga maqlay gudaha xarunta dadkuna waxay bilaabeen kala carar.

Ninka weerarka geystay ayaa lagu soo waramayaa inay xireen dhowr qof oo ka mid ah macaamiisha suuqa, waxaana markii dambe ay ku warejiyeen ciidamada booliiska oo goobta gaaray.

Mari, oo 29 jir ah ayaa ah daafaca koox ka dhisan dalka Spain, waxaana dhaawac uu ka soo gaaray dhabarka – laakiin dhaawaciisa ma ahan mid halis ah. Wakiilkiisa, Arturo Canales, ayaa BBC-da u sheegay in xiddiggu uu miyir qabo oo aysan jirin wax saameyn ah oo  dhaawucu ku yeeshay xubnaha muhiimka ah ee jirkiisa

Maamulaha Monza Adriano Galliani ayaa u sheegay Sky Italy in Mari uu wax ka iibsanayeen suuqa isaga xaaskiisa iyo wiil yar uu dhalay markii uu weerarku dhacayay.

 “Wuxuu wiilkiisa ku watay gaari, xaaskiisana aktiisa ayay joogtay, xoogaa  xanuun ah ayuu dhabarka ka dareemay, taasoo ahayd mindida,” ayuu yiri Mr Galliani.Wuxuu intaa ku daray

“Nasiib darro, wuxuu sidoo kale arkayay dambiilaha oo qof dhuunta kaga dhuftay mindida, wuxuu arkay wax walba oo dhacay, aad ayuuna uga xumaaday,”.

 Mari waxa uu Arsenal kaga soo biiray kooxda reer Brazil ee Flamengo bishii January 2020. Waxa uu kaliya u ciyaaray Gunners 19 jeer, waxa uu hadda amaah kula joogaa kooxda ugu sareysa horyaalka Talyaaniga ee Monza.

 Maamulaha Arsenal Mikel Arteta ayaa yiri: “Hadda ayaan ogaaday, waana ogahay in Edu agaasimaha farsamada ee Arsenal uu la xiriiray qaraabadiisa, waxa uu ku jiraa cusbitaal laakiin waxa uu u muuqdaa mid soo bogsanaya”.