Madaxweynaha dalka Djibouti Ismaciil Cumar Geelle ayaa maanta si adag u cambaareeyey weerar lagu diley 7 askari oo ka tirsan milatariga Djibouti ee ka hawl gala galbeedka waqooyi ee dalka Djibouti gaar ahaan degmooyinka aadka u duruksan.
Weerarkaasi waxa sheegtey kooxda isku magacawda garabka hubeysan ee jabhadda FRUD.
Madaxwaynaha jabuuti ayaana ku hanjabay in kooxdan hubaysan laga daba tagi doono sharcigana la hor keeni doono



















