Dowladda Britain ayaa dhinacyada ku dagaallamaya dalka Itoobiya ugu baaqday iney si degdeg ah xabbad joojin u sameeyaan si dagaalka loojiyo.
Wasiirka UK u qaabilsan Afrika Vicky Ford oo baaqaa dowladda UK soo jeedisay waxay sheegtay dowladda dhee ee Itoobiya iyo Fallaagada TPLF uu dagaalkooda dib u qarxay la joogo xilligi ay dagaalka joojin lahaayeen.
Dad ka badan 13 malyan oo qof oo ku nool deegaannada Tigraay, Amxaarada iyo Cafarta ayaa ku barkacay dagaallada Itoobiya oo u baahan gargaar baniaadanimo.
Dib u laabashada dagaalka waqooyiga Itoobiya oo walaac xooggan laga muujiyey iyada oo laga cabsi qabo iney dad horleh ay dagaalladu ka barakacayaan.
Tani iyo marka uu dagaalka waqooyiga Itoobiya uu dib u qarxay xooggaga TPLF waxay qabsadeen magaalada Qobbo oo ku taallo Koonfurta deegaankaasi.
Inkasta oo dowladda dhexe ee Itoobiya ay sheegtay ciidamadeedu iney magaaladaa Qobbo uga baxeen si loo yareeyo qasaaraha soo gaari kara dadka rayadka ah.