Xogtii ugu dambaysay ee la xiriirta weerarka lagu galay Hoteel Xayaat

0

Galinkii dambe ee maanta ayay koox hubaysan weerar ku qaadeen hoteelka Xayaat ee ku yaalla KM4, halkaas oo lagu soo warramayo inay wali ku jiraan.

 

Weerarka ayaa ku billowday qaraxyo, sida ay tebiyeen warbaahinta ku hadasha afka dowladda.

Kooxda hubaysan ayaa weerarka ku qaadday labada albaab ee hoteelka.

Xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in labo qarax ay markii hore fuliyeen kooxda gudaha u gashay dhismaha hoteelka, kaddibna qarax saddexaad la maqlay.

Warar aan ilo madax bannaan laga xaqiijin oo sarkaal boolis ah laga soo xigtay ayaa sheegaya in qaraxa saddexaad – oo uu fuliyay qof walxaha qarxa isku soo rakibay – lala beegsaday ciidan gurmad ahaa oo ka qayb gali rabay howlgalka.

Qoraal ay baraha bulshada soo dhigeen warbaahinta dowladda ayay ku sheegeen uu ilaa hadda socdo “howlgal ay ciidamada dowladda ka wadaan isgoyska KM4 oo ay qaraxyo ka dhaceen”.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya oo ay soo xigteen warbaahinta dowladda ayaa xaqiijiyay weerarka.

Hoteelka shir ayaa ka socday oo ay lahaayeen odayaal iyo siyaasiyiin, sida ay ilo-wareedyo noo xaqiijiyeen.

Weli si rasmi ah looma oga inta uu la egyahay qasaaraha weerarka. Waxaa baraha bulshada la iskula dhex marayaa in dad laga soo badbaadiyay meesha.

Balse qof ka tirsan booliska ayaa BBC-da u sheegay in qaraxa dambe ay ku dhaawacmeen saraakiil iyo dad shacab ah.

Hoteelka la weeraray ee Xayaat oo ku yaalla KM4 ayaa ah meel ay dad shacab ah dagaan.

Waxa uu hoteelkan ku yaallaa faras-magaalada Muqdisho, ciidanka aniga ayaana islamarkii uu weerarka billowday xiray dhammaan waddooyinka halkaas soo gala.