Muxuu sameeyay cirbixiyeenkii isagoo hawada sare ku sugan ay ku timid cilladda bateri?

0

Cirbixiyeen u dhashay Ruushka ayaa ku qasbanaaday inuu si degdeg ah u joojiyo shaqadii uu ka hayay hawada “sababo la xiriira cillad dhanka bateriga ah”oo ku timid jaakaddii uu xirnaa ee loogu talagalay hawada, sida laga soo xigtay hay’adda hawada ee Mareykanka ee Nasa.

Waxay hay’addu sheegtay in Oleg Artemyev ay maamuleyaasha Ruushka ee dhulka joogay ay Arbacadii ku amreen inuu soo laabto.

Nasa ayaa sheegtay in Artemyev, oo 51 jir ah, uusan “marnaba khatar gelin”.

Balse, waxaa laga yaabaa inuu lumiyay awoodda uu kula xiriiri lahaa saaxiibkiis Denis Matveev, oo 39 jir ah oo ay isla shaqeynayeen iyo maamuleyaasha.

“Iska dhig wax walba ee dib u laabo,” ayaa loo sheegay Matveev, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee AFP, oo soo xiganeysa Nasa.

Sababta loogu amray inuu soo laabto ayaa lagu sheegay inay ahayd si dib loogu hagaajiyo batariga.

Matveev ayaa intaas kaddib dib ugu laabtay saldhigga hawada ay dalal dhowr ah ku mideysan yihiin ee ISS.

Intii ay hawada ku jireen, labadan cirbixiyeen ayaa waxaa u suurtagashay inay dhameystiraan in labo kaamiro ay ku xiraan gacanta macmalka ah ee Yurub ee ku dhex taalla saldhigga ISS.

Hay’adda hawada ee Ruushka ee Roskosmos kama aysan hadlin arrintan.

Ma aha markii ugu horreysay ee arrintan oo kale ay halkaas ka dhacdo.

Sanadkii 2013, Nasa ayaa joojisay in la aado hawada sababo la xiriira biyo ka soo daatay koofiyadda cirbixiyeen taas oo halis ahayd.

Biyahan ayaa aad u badnaa heer Luca Parmitano, oo ahaa ninkii ugu horreeyay ee hawada aada ee Talyaaniga u dhashay uu wax maqli waayo amaba uu hadli waayo.

Wuxuu ku qasbanaaday in saaxiibkiis Christopher Cassidy oo ay isla socdeen, uu weydiisto inuu ka caawiyo inuu dib ugu laabto saldhigga ISS.

ISS – oo ah mashruuc ay ku lug leeyihiin shan hay’ad oo hawada sare ka howlgala oo ay ku jiraan kuwa Ruushka iyo Mareykanka ayaa shaqeynayay tan iyo sanadkii 1998, waxaana si joogto ah howlgal uu ugu jiray tan iyo sanadkii  2000. In ka badan 3,000 oo baaritaanno ah ayaa ka dhacay sheybaarkiisa.

Bishii July, Ruushka ayaa sheegay inuu isaga bixi doono ISS wixii loo gaaro sanadka 2024 ayna dhisan doonto saldhiggeeda u gaarka ah.

Xiriirka dalalkan ayaa xumaaday tan iyo markii uu Ruushku duullaanka ku qaaday Ukraine 24-kii February, Ruushka ayaana hore ugu hanjabay inuu mashruucan isaga baxayo sababo la xiriira cunaqabateynta ay Reer Galbeedku saareen.