Nairobi —
Tirinta codadka doorashadii Talaadadii ka dhacday Kenya ayaa wali socota iyada oo madaxweyne ku xigeenka William Ruto iyo musharaxa ugu weyn mucaaradka ee Raila Odinga uu marba mid ku hormarayo natiijada hordhaca ah.
Abdul Shakuur Aboud oo ka tirsan laanta sawaaxiliga ee VOA oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa wariyaha VOA ee Washington James Butte u sheegay in dadka Kenya qaarkood ay u muuqdaan kuwo ku jahwareersan habka cusub ee tirinta codadka.
Waxa uu sheegay in saxaafaddu ay tabineyso natiijooyin horudhac ah oo kala duwan oo abuuray jahawareer cusub.
Warbaahinta madaxa banan ee dalka kenya ayaa iska ilalinaya inay wax faro fareeyaan inkstoo ay lakal safn yihiin labada mushrax ee tartanka adg dhexmaray ee madaxwaxwayne nimada, rayul caamka shacabka kenya ayaana uguuxaya in xumada hore looga jabiyo oo lagu dhawaqo labad nin ninka guulaystay waa raila Oddhinga iyo Wilam Rutu, waxase issaoo taraysa in codka raila Oddinga uu kor usoo kacay si lama filaan ah taas ayaana laga yabaa inay de dejiso in lagu dhawaaqo qofka guulaystay hadii kale waxa laga cabsi qaba rabshado inay hadheeyaan dalkaasi oo xiligan dhaqaale xumo iyo sicir barar la tiicaya,