Wararka caalamka ugu waawawyn,Ciraaq: Taageerayaasha wadaadka Moqtada Sadr oo qabsaday xarunta baarlamaanka

0

Taageerayaasha Sadr, oo mar hoggaamin jiray maleyshiyaad dagaal la galay ciidamada Mareykanka iyo kuwa dowladda Ciraaq ayaa waxa ay hadda ka soo horjeedaan musharaxnimada Maxamed Al-Suudaani oo kutlada u janjeerta dhinaca Iran ay dhowaan u xusheen in uu noqdo musharraxooda jagada ra’iisulwasaaraha.

Bannaanbaxayaasha ayaa lulay calamada Ciraaq iyo sawirada wadaadka markii ay qabsadeen xarunta baarlamaanka.

Waxa ay buux dhaafiyeen xarunta baarlamaanka oo qaarkood waxa ay ku fadhiisteen kuraastii xildhibaannada, kuwana ay telefoonadooda ku duubayeen muuqaallo ku saabsan tallaabada ay qaadeen.

Waxa ay tani dhacday ka dib markii kummanaan mudaaharaadayaal ah ay isugu soo baxeen dhammaadka buundada aadda dhinaca Aagga Cagaaran, waxaana daraasiin dibadbaxayaasha ka mid ah ay dhulka dhigeen dhagxaantii difaaca aagga lagu ilaalinayay iyagoo markaas ka dibna ay gudaha u galeen sida uu wariye sawirqaade ka tirsan AFP.

Ciidamada ammaanka ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u isticmaalay dibadbaxayaasha meel u dhow illinka laga galo Aagga Cagaaran, oo ay deggan yihiin safaaradaha shisheeye, xarumaha kale ee dowladda iyo sidoo kale baarlamaanka.

Garabka Sadr ayaa doorashadii bishii Oktoobar waxa ay ku guuleysteen xubnaha ugu badan ee baarlamaanka, laakiin weli taasi waxa ay ka yareyd aqlabiyadda ay xukuumad ku dhisi karaan. Toban bilood ka dib doorashada ayuu wali taagan yahay ismari-waaga la xiriira dhismaha dowlad cusub.

Bannaanbaxa Sabtida maanta ah ayaa yimid ka dib markii dad badan oo taageerayaasha Sadr ah ay Arbacadii gudaha u galeen Aagga Cagaaran.

Waxa ay ka bexeen laba saacadood ka dib, laakin waa markii uu sidaasi u sheegay Moqtada Sadr.

AFP