Dadka guryahooda la dumiyey ayaa lagu eedaynayaa in ay abaabuleen mudaharaadadii lagu diidana aflegaadaynta Nebiga

0

Maamulka gobolka Uttar Pradesh ayaa amar ku bixiyey in guryaha la dumiyo

Ciidamada nabadgelyada India ayaa dumiyey guryaha shakhsiyaad Muslimiin ah oo magac leh oo lala xidhiidhinayo rabshadihii ka dhashay hadalladii deelqaafka ahaa eel aga sheegay Nebi Muxammad.

Dadkii lahaa guryahaas oo ku yaal gobolka Uttar Pradesh ayaa intaan la dumin la faray in ay ka baxaan.

Muslimiinta ayaa dhigayey mudaharaaddo lagu diidan yahay hadallada Islaamka gefka ku ah ee ay ku tiraabeen laba xubnood oo ka tirsan xisbiga talada haya ee BJP.

Booliska ayaa xidhay in ka badan 300 oo qof oo lala xidhiidhinayo qulqulatooyinka dhacay.

Hadalladaas deelqaafka ah waxa ku hadashay haweenaydii af-hayeenka u ahayd Nupur Sharma mar ay ka qayb galaysay dood telefishan ka socotay.

Hadalladaas ayaa aad uga cadhaysiiyey Muslimiinta Hindia iyo sidoo kale tobaneeyo dal oo Miuslim ah.

Madaxa warbaahinta xisbiga ee Delhi, Naveen Kumar Jindal, ayaa sidoo kale xisbiga laga eryay ka dib markii uu dib u faafiyey qoraallo deel qaafa oo uu ku baahiyey Twitter-ka.

Hadalladoodaas, gaar ahaan weliba kuwa ay tidhi Sharma, ayaa mudaharaado ka kiciyey dhawr gobol.

Badhasaabka gobolka Uttar Pradesh, Yogi Adityanath, ayaa amar ku bixiyey in la dumiyo dhisme kasta oo sharci darro ah iyo guryaha dadkii lagu eedeeyey in ay abaabuleen mudaharaadadii todobaadkii hore dhacay, ayuu yidhi af-hayeenka gobolkaas ee xisbiga BjP.

Guryaha la dumiyey waxa ka mid ah guriga siyaasiga la yidhaa Javid Ahmed, ayuu ku waramay wargeyska af-ingiriisiga lagu qoro ee Hindustan Times. Inantiisa Afreen Fatima ayaa ah gabadh caan ah oo u dhaqdhaqaaqda xuquuqda Muslimiinta.

Waxaa sidoo kale la dumiyay hanti labo qof oo kale oo lagu eedeeyay inay dhagax tuureen salaadii jimcaha kadib.

Mrityunjay Kumar, oo ah lataliyaha dhanka warbaahinta ee Yogi Adityanath, ayaa bartiisa twitter-ka soo dhigay sawirka cagaf-cagaf oo duminaya dhisme, wuxuuna yiri: “Ceebaha aan sharciga ahayn waa xusuustaan, Jimce kasta waxaa ku xiga Sabti.”

Si weyn ayaa loo dhaleeceeyey duminta guryahaasi.

Dadka dhaleeceeya ayaa sheegaya in hadallada Sharma iyo Jindal ay ka tarjumayaan fogeynta qotoda dheer ee diimaha ee uu waddanku ka arkayay dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Hadalada nacaybka iyo weerarada ka dhanka ah Muslimiinta ayaa aad kor ugu kacay tan iyo markii xisbiga BJP uu xukunka qabtay 2014-kii.