Safiirka Mareykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Larry Andre ayaa markale ka hadlay xaaladda Soomaaliya iyo dib u dhaca doorashooyinka dalka, kadib kulan uu la yeeshay Wakiilka Bangiga Adduunka ee Somalia Kristina Svensson.
Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xaaladda guud ee Somalia iyo saameynta ka dhalan karta, haddii uu sii socda dib u dhaca jadwalka doorashooyinka ee 2022-ka.
“Danjire André iyo madaxa Bangiga Adduunka Kristina Svensson ayaa ka wada hadlay walaaca laga qabo qorshaha dib u habeynta dhaqaalaha Soomaaliya,” ayaa lagu yidhi qoraal kooban oo lasoo dhigay bogga Twitterka ee Safaaradda Mareykanka ee dalka Soomaaliya.
Sidoo kale waxa ay ka digeen in haddii aan degdeg loo helin dowlad oo la micno ah haddii aan doorashada lagu soo gabagabeyn in taageerada Maaliyadeed ee Caalamiga ah & qorshaha deyn cafinta Soomaaliya halis galayaan.
“Haddii aan sida ugu dhaqsiyaha badan Dowlad loo dhisin, Taageerada maaliyadeed ee caalamiga ah ee joogtada ah iyo deyn cafinta ayaa halis ku jira” ayaa markale lagu yidhi warka qoraalka ah ee lagu daabacay barta Safaarada Mareykanka ee magaalada Muqdisho.
Mareykanka ayaa marar badan si adag uga hadlay dib u dhacyada doorashada, wuxuuna markii dambe soo rogay xayiraad dhanka Fiisaha oo jawaab u ah daaha doorashooyinka.
Doorashada Somalia ayaa qaadatay muddo hal sano iyo dheeraad ah, waxaana weli socda xulista Golaha Shacabka, taas oo muujineyso in bilooyin kale ay sii soconeyso doorashada.