Haweeney sidata calaamad dagaal ka dhan ah, ayaa fiidnimadii Isniinta ku soo orodday qeybta barnaamijka wararka fiidkii, warbaahinta Ruushka laga leeyahay ee Channel 1 ee ay dowladdu maamusho.
Calaamadda, oo si cad uga muuqata barnaamij daadiyaha gadaashiisa, ayaa u qornayd sidan “dagaal ma jiro, dagaalka joojiya, ha rumaysan dacaayadda, halkan been bay kuugu sheegayaan”.
Haweeneyda ayaa lagu magacaabaa Marina Ovsyannikova, oo ah tifaftire ka tirsan kanaalka.
Muuqaal baahiyaha Ruushka waxaa si adag u maamula Kremlin-ka, iyadoo kaliya ka tarjumaysa nooca Ruushka ee dhacdooyinka Ukraine.
Ms Ovsyannikova ayaa la rumeysan yahay inay ku jirto gacanta booliska.
Codkeeda ayaa la maqlayay intii ay socotay baahinta iyadoo leh “maya dagaal! Joojiya dagaalka!”, ka hor inta uusan agaasimaha barnaamijku durba u sii warejin warbixin la duubay.
Kahow mudaaharaadka oo si toos ah uga dhacay barnaamijka wararka habeenimo, ayaa waxay soo duubtay muuqaal ay ku sheegtay dhacdooyinkii ka dhacay Ukraine in ay ahaayeen “dambi”, waxayna sheegtay inay ka xishoonayso inay ka shaqeyso waxa ay ugu yeertay borobogaanddada Kremlin.
“Waan ka xishoonayaa in aan oggolaaday in aan been ka sheego shaashadda telefishinka. Waan ka xishoonayaa in aan oggolaaday in Ruushka loo beddelo zombies,” ayay ku tiri muuqaalka.
Waxay ugu baaqday dadka Ruushka inay ka dhiidhiyaan dagaalka, iyadoo sheegtay in kaliya ay “joojin karaan waalida”.
Laga soo bilaabo markii la aqoonsaday Ms Ovsyannikova, waxay heshay daraasiin faallooyin ah oo loogu soo diray boggeeda Facebook-ga, kuwaas oo ku qoran luqadaha Ukraine, Ruushka iyo Ingiriisiga, iyada oo looga mahadcelinaya ficilkeeda.
Telefishanka ay dawladdu maamusho
Wararka telefishinka Ruushka waxaa muddo dheer gacanta ku hayay Kremlin-ka, aragtiyo madax-bannaanina waa ku naadir dhammaan kanaalada waaweyn.
Laakiin sharciyo cusub oo la soo bandhigay tan iyo duulaankii Ukraine ayaa ka dhigay muuqaalka warbaahinta xitaa mid aad u adag. Sharcigii la ansixiyay horraantii bishan ayaa sharci darro ka dhigaya in tallaabada milatari lagu sheego “duulaan” ama in la faafiyo “war been abuur ah” oo ku saabsan dagaalka.
Warbaahinta Ruushka ee ay dawladdu maamusho ayaa dagaalka ku tilmaama “howlgal millatari oo gaar ah”.
Dhowr ka mid ah warbaahinta madaxa bannaan ee haray ayaa joojiyay baahinta ama daabicidda wararka, kadib cadaadis uga yimid maamulka, kuwaasoo ay ku jiraan idaacada Echo of Moscow iyo TV Rain – oo ah kanaal telefishin online ah.
Kuwo kale, sida wargeyska Novaya Gazeta, ayaa isku dayaya in ay ka warbixiyaan xaaladda iyaga oo aan ku dhicin sharciyada cusub ee faafreebka.
Gelitaanka BBC-da ayaa sidoo kale laga xaddiday gudaha Ruushka, taasoo horseedaysa in shirkadda ay soo saarto hagitaan ku saabsan sida loo sii wado adeegsiga adeegyadeeda.
Ilaalada warbaahinta Ruushka ayaa ku eedaysay BBC-da iyo warfidiyeennada kale ee ajnabiga ah “in si ula kac ah oo nidaamsan loo qaybiyo agabka ay ku jiraan xog been ah”.
Baraha bulshada oo badan ayaa sidoo kale la xannibay, taas oo sii xaddidaysa tirada iyo kala duwanaanta ilaha wararka ee ay heli karaan dadka ku sugan gudaha Ruushka.
Facebook iyo Twitter ayaa la xaddiday dhowr maalmood, Instagram oo si gaar ah caan uga ah Ruushka ayaa la xannibay Isniintii, in kasta oo dad badan oo Ruush ah ay heleen dariiqooyin ku xeeran xannibaadaha.