Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sidoo kale sheegay inuu hub siin doono cid walboo dooneysa, sida laga soo xigtay warbaahinta.
Waxaa laga yaabaa inaad xusuusato sawirrada faraha badan ee laga soo qaaday bulshada Ukraine oo tababar aasaasi ah sameynaya toddobaadyadii ay kacsaneyd xiisadda Ruushka.
Ukraine oo xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Ruushka
Ukraine ayaa si rasmi ah xiriirka diblomaasiyadeed ugu jartay Ruushka kaddib duullaankii uu ku qaaday dalkeda, sida uu shir jaraa’id kaga dhawaaqay Madaxweyne Volodymyr Zelensky.
Ukraine ayaa ka codsatay Turkiga inuu maraakiibta dagaalka ka xiro biyaha Badda Madow.
Waxay sidoo kale Turkiga ugu baaqday in maraakiibta Ruushka uu ka hor istaago marinnada Bosphorus iyo Dardanelles, sida uu sheegay safiirka Kyiv u fadhiya Ankara. “Waxaan ku baaqeynaa in marinnada hawada, Bosphorus iyo Dardanelles la xiro. Waxaan codsigeenna u gudbinnay dhanka Turkiga. Isla mar ahaantaa waxaan dooneynaa in cunaqabateyno lagu soo rogo dhanka Ruushka,” ayuu Danjire Vasyl Bodnar ka yiri shir jaraa’id oo uu ku qabtay caasimadda Turkiga.
Codsigan ayaa labo daran mid dooro u ah Turkiga oo xubin ka ah NATO, isla markaana Ukraine iyo Ruushkana xad kala leh Badda Madow xiriir fiicanna la leh labada dal.
Heshiis la gaaray sanadkii 1936, ayaa dhigaya in Ankara ay xukunto marinnadaas ayna xaddidi karto maraakiibta dagaal ee adeegsanaya xilliyada dagaalka ama haddii ay khalkhal dareento.