Koonfur Afrika ayaa dalbatay in la joojiyo xaraashka furaha xabsiga ee jasiiradda Robben Island oo uu mar ku jiray madaxweynihii hore ee dalkaas Nelson Mandela.
Iibku wuxuu ku eg yahay Janaayo waxaana uu ka socday gudaha New York guriga xaraashka ee Guernsey. Iibiyuhu waa Christo Brand, oo ahaa waardiyihii xabsigaas uu Mandela ku jiray oo noqday xabsi caan ah.
Laakin Nathi Mthethwa oo ah wasiirka dhaqanka ee Koonfur Afrika ayaa sheegay in aysan jirin wax wada tashi ah oo ay kala sameeyeen dowladda.
“Furahan waxaa iska leh dadka Koonfur Afrika,” ayuu yiri.
Ma aha wax qof gaar u leeyahay,” ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray.
Guernsey’s ayaa sheegtay in xaraashkeeda qorshaysan ee 28-ka Janaayo uu yahay in uu dhaqaale u ururiyo beerta xusuusta iyo madxafka ee agagaarka goobta lagu aasay Mandela.
Mandela oo ah halyey qaran oo ku noolaa Koonfur Afrika ayaa 18 ka mid ah 27-kii sano ee uu xabsiga ku jiray ku qaatay jasiiradda Robben Island.
Mr Brand ayaa markii dambe saaxiib dhow la noqday Mandela.
Jasiiraddab caanka ah, marka la eego magaalada Cape Town iyo Mountain Table, waxay magaceeda ka heshay in mar ay ku noolaayeen dad badan.
Mandela ayaa la sii daayay 1990-kii iyadoo Koonfur Afrika ay bilowday inay ka baxdo takoorka adkaa ee midab-takoorka (Apartheid) – habkaas oo lagu soo gabagabeeyay doorashooyinkii ugu horreeyay ee jinsiyado badan 1994-kii, markaas oo loo doortay madaxweynihii ugu horreeyay ee madow ah ee dalkaas.
Mandela waxa uu xilka hayay hal xilli, isaga oo xilka ka degay 1999kii.
Wuxuu ku dhintay 2013 isagoo 95 jir ah.