Wasiir Al-baani oo Xadhiga ka jaray Masaajid cusub oo Madaxweyne Muuse Biixi u dhisay,Una waqfay Aabihii

0

Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland Sheikh Cabdirasaaq Albani ayaa ka qaybgalay munasibad lagu furay masaajid cusub oo laga hirgeliyay galbeedka magaalada hargaysa Gaar ahaan Agagaarka Grand Haddi Hotel Dhiniciisa Galbeed kaasi oo Madaxweyne Muuse Biixi u waqfay uguna magac daray Aabihii Biixi Cabdi.