Wasiirka Amniga ee maamul goboleedka Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa ka hadlay dagaalkii ka dhacay Boosaaso iyo sida uu xalka noqon karo.
Saaka aroortii ayuu magaalada Boosaaso mar kale ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada Puntland iyo xoogag ka amar qaata taliyihii PSF-ta ee xilka laga qaaday, inkastoo markii dambe ay xaaladda degtay.
Wasiirka Amniga ee dowlad goboleedka Puntland, ayaa carrabka ku adkeeyay in ay aqbalayaan oo kaliya in la raaco dastuurka maamulkaasi oo hoggaanka ciidammada PSF uu xilka wareejiyo.
Cabdisamad Maxamed Gallan, oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa sheegay ayaa agaasimihii PSF ee xilka laga qaaday waxa uu ku eedeeyay inuu weerrarka Boosaaso soo qaaday, wixii ka dhashayna uu mas’uuliyadeeda qaadi doono.Dhanka kale wasiir Gallan waxa uu intaasi ku daray in dhankooda ay diyaar u yihiin nabad iyo wadaxaajood, balse marnaba aanay ka tanaasulayn ku dhaqanka dastuurka.
Hadalkan ayaa imanaya iyadoo dagaal tan iyo shalay ka socday magaalada Boosaaso ay dhowr qof ku dhinteen, kuwo kale ay ku dhaawacmeen, halka dad badanna ay guryahooda isaga carareen.
“Isimada waxaad ka wadahadalnay arrimihii aan ka wada hadli jirnay. Waxay noogu yimaadeen inaan ula shaqeyno sidii aan ula shaqeyn jirnay, inaan nabadda la raadinno. Dhankeenna horayna waan uga aqbalnay, haddana waan u sheegnay inaan diyaar u nahay.
“Dhankii kale inay is afgartaan, xabbada joojiyaan oo ay sharciga u hoggaansamaan inay ku guuleystaan unbaa iyaga xaggooda jirta, wayna ku maqan yihiin sida ay noo sheegeen, markii ay naga tageen waxay dhaheen ‘dhinicii kale ayaan la kulmeynaa iyo agaasimihii hore ee xilka laga qaaday, iyagaana kala hadleynaa sidii ay nabad galyo ugu dhammaan lahayd oo xilka uu u wareejin lahaa’, marka waxay kala kulmaan baan arkeynaa,” ayuu yiri.
Wasiirka ayaa hoosta ka xaqiiqay in ciidanka la dagaallamay aysan ahayn PFS balse ay yihiin “fallaago”, halka ciidankii kale ee PSF ay “sidooda u dhisan yihiin”.
Maxay dhaheen garabka kale?
War murtiyeed kasoo baxay dhanka dhale ee uu hoggaaminayo taliyaha xil ka qaadista lagu sameeyay ee PSF, Maxamuud Cismaan Cabdullaahi, ayaa lagu sheegay in dagaalka uu ahaa mid iyaga lagu billaabay.
Qoraal kooban oo war murtiyeedkaas ku qornaa ayaa ahaa sidan:
“Waxaa na lagusoo qaaday oo aan iska difaacnay muddo labo beri ah weerarro gar darro ah oo lagu jabiyey xeerarkii sharciga ahaa oo dhan, oo u dhaxeeyay PS F iyo Dowladda Puntland , waxay diideen gartii si wadajir ah aan ugu dhiibannay lsimada iyo go’aankoodii.
“Intaasna kuma ekaane weerar iyo barakicin bulsho bay sameeyeen. Dhinacayagu marna ma hurineyn colaadda iyo dhibaataynta shacabkeenna. Waxaan aad uga xun nahay dhibta bulshadeenna soo gaartay, runtii raalli kama nihin, wixii sameeyayna way qaadayaan mas’uuliyaddooda.
“Ciidanka PSF waxay u taagan yihiin la dagaallanka argagixisada, amni darrada iyo cid kastoo ku lug leh. Dadkii ayagu argagixisada ka tirsanaa ee aan bulshadeenna ka difaaceynay haatanna ku gabbanaya xasaanadda dowladda marna nama eedeyn karaan, Puntland nabaddeeda iyo horumarkeeda geed walba waan u harsannay waana kasii shaqeyn doonnaa eebbe idinkiis.”