Maxamed Daa’uud: Waa kuma wiilka Soomaaliga ah ee tababarka askarta Kenya markii uu dhammeystay la la’yahay?

0

Qoys Soomaali ah ayaa dowladda Kenya ka codsaday inay gacan ku siiso raadinta wiilkooda, Maxamed Daa’uud Caloow, oo ah askari dhawaan ka qalin jebiyay tababarka ciidamada booliska Kenya ee sida militeriga u carbisan, kaasoo la waayay markii uu tababarka soo dhammeystay.

Maxamed ayaa markii ugu war dambeysay qoyskiisa u sheegay inuu booqanayo qaraabadiisa oo ku nool xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Islii.

Wiilkan aabihiis, Daa’uud Caloow Axmed, oo ku sugan magaalo xeebeedka Mombasa, ayaa BBC-da u sheegay in uu isagu markii ugu dambeysay telefoon kula hadlay wiilkiisa.

“Kahmiistii aan soo dhaafnay (9/12/2021) ayuu ii soo diray telefoon wuxuuna igu yiri, ‘aabbe maanta waan soo baxay, waan soo dhammeystay tababarkii, hadda Islii baan u socdaa, guriga habaryartey ayaan ku hoyanayaa, berri abtigeey oo xanuunsan baan soo booqayanaa, beri dambe oo Sabtida ahna Mombasa ayaan kula joogaa,'” ayuu yiri.

Ninkan dhallinyarada ah ayaa tababarka ciidanka booliska Kenya ee loo yaqaanno GSU billaabay bishii labaad ee sanadkan 2021-ka, sida uu aabihiis ku sheegay wareysiga khaaska ah ee uu siiyay laanta Afsoomaaliga ee BBC-da.

Xilligaas wixii ka dmabeeyay war iyo wacaal toona lagama helin, qoyskiisana waxay ku mashquuleen baadi goobkiisa.

“Telefoonkiisa markaan weynay waxaan wacnay lambarka habaryartiis, markaan waydiinnay inuu soo gaaray gurigeedana waxay noo sheegtay inaysan arkin wax war ahna ka heynin. Dhowr jeer oo kale ayaan wacnay ilaa maalintii labaad ayaa la gaaray annagoo helin,” ayuu yiri Daa’uud Caloow Axmed.

Habaryartiis oo qudheeda ka tirsan booliska ayaa ka raadisay xeradii uu tababarka kaasoo qaatay, halkaasoo ay kasoo weysay.

Shan maalmood kaddib markii la waayay wali xiriir lagama helin askariga cusub ee kasoo qalin jabiyay xerada tababarka booliska ee xaafadda Embakasi ee magaalada Nairobi.

Maxamed ayaa ku jiray fasax labo isbuuc ah oo uu kasoo qaatay shaqada ciidanka ka hor inta uusan howlgal billaabin.

Aabihiis Daa’uud ayaa sheegay in dowladda uu ka dalbaday inay wiilkiisa xog uga keenaan.

“Dowladda waxaan ku dhahay wiilkeyga idinka ayaan idinku ogaa, gacanteyda kuma uusan jirin, hadda waxaan rabaa inaad ii keentaan, asagoo nool ama meydkiisa mid uun,” ayuu yiri.

Hooyadiis oo lagu magacaabo Barwaka Aadan ayaa sidoo kale warbaahinta maxalliga ah farriin u marisay dowladda, iyadoo ka codsaneysa in garab lagu siiyo raadinta wiilkeeda, maadaama, sida ay sheegtay, “aysan wax tabar ah iyadu u heli karin howshaas”.

27-kii bishii February ayuu Maxamed kasoo tagay magaalada Mombasa, markii uu carbiska soo dhammeystayna waxa uu qorshuhu ahaa inuu lasoo damaashaado qoyskiisa.

Arrintan ayaa kusoo aadday xilli booliska Kenya ay baaritaan ku hayaan dhacdo kale oo isla askarta GSU-da ee tababarka soo dhammeystay ku saabsan, kuwaasoo muuqaal iska soo duubay iyagoo handadaad sameynaya, hadallo qallafsanna ku dhawaaqaya.

Saraakiisha Taliska ciidamada booliska Kenya ayaa cambaareeyay muuqaalkaas oo laga arkayo koox dhawaan ka qalin jabisay imtixaanka qorashada askarta oo sheegaya sida ay u yihiin “dadka xun”.

Muuqaalkan hadal heynta dhaliyay ayaa si weyn ugu waafay baraha bulshada ee waddankan ku yaalla bariga Afrika, iyadoo dad badanna ay arrintan ka muujiyeen walaac.

Madaxda booliska ayaa hadallada kasoo yeeray askartaas mar dhow la qoray ku tilmaamay “mas’uuliyad darro, wax aan la aqbali karin iyo taxaddar la’aan”.