Dr. Nadia Omar oo ah dhakhtar ku takhakhusay xanuunada Haweenka una dhalatay dalka Ethiopia ayaa xalay iska tuurtay qaybta ugu saraysa ee dhismaha CITY VIEW Hotel oo kamid ah dabaqyada dhaadheer ee Garoowe
Dr. Nadia ayaa lagu warramay inuu gaadhay dhaawac culus, islamarkaana ay xaaladeeda halis tahay.
Dhakhtaradan, oo ah gabadh dhalinyara oo kasoo jeeda gobolka Amxaarada ee dalka Ethiopia, ayaa la sheegay inay Muslim tahay, ayna u dhaxdo dhakhtar asal ahaan kasoo Jeeda dalka Syria balse haysta dhalashada Turkiga, kaasi oo lagu magacaabo Maxamed Cabdixamiid. Dr. Maxamed ayaa ku takhasusay xanuunada gaaska iyo uur ku-jirta.
Dr. Nadia ayaa bilowgii sanadkan ka tagtay shaqadii ay ka haysey Garoowe gaar ahaan Qaran Hospital oo ay ka ahayd dhakhtar xanuunada Haweenka ah.
Intii ay ka hawlgelaysey Qaran Garoowe waxay fulisey hawlgalo caafimaad oo aad u culus oo ay ku jireen qaliimo adag, kuwaasi oo dhamaan ay ku guulaysatey.
Illaa iyo hadda ma cadda sababta ay Dr. Nadia dabaqa isaga soo tuurtay oo ay nafteeda halis u gelisay. Laamaha ammaanka Garoowe ayaa wada baadhitaano ku aadan sababta keentay shilka.