M/weyne Mustafa Cagjar oo oo Weerar Afka ah ku qaaday Maamulka Tigrayga,si adagna uga hadlay xaaladda ka aloosan Itoobiya
Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafa Muxumed Cagjar ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Faceebook ku sheegay in dagaalka ka socda Itoobiya uu u dhaxeeyo argagixisada TPLF iyo dawlada federalka Itoobiya.
“Dagaalka ka socda Waqooyiga Itoobiya wuxuu u dhaxeeyaa argagixisada TPLF iyo dawlada federalka Itoobiya, ee uma dhaxeeyo laba deegaan oo dhul isku haysta. Waxaa argagixisada TPLF u qorshaysan inay dumiso nidaamka hadda jira dibna saameeyn ugu yeelato siyaasada dawlada dhexe si ay mar kale u guumaysato shucuubaha dalka ee Soomaalidu ka mid tahay,” ayuu ku yiri qoraalka uu soo dhigay bartiisa Facebook.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in baraha bulshada ay taageerayaasha TPLF la dhex wareegayeen talooyin liita kuwaas oo uu ku tilmaamay inay kabaha u qaadayaan dadkii horay u xasuuqday shacabka deegaanka Soomaalida.
“Waxaa ayaamahan baraha bulshada talooyin liita la dhex wareegaya taageerayaasha TPLF oo u badan kuwii shalay kaba-qaadka u ahaa kooxdaas markii ay xasuuqayeen shacabka deegaanka Soomaalida. Waxa ay rajaynayeen in argagixisadu dumin doonto dowladda dhexe halkaasna ay uga soo bixi doonto fursad kaba-qaadnimo oo ay dadkooda mar kale ku dulleeyaan.” Ayuu madaxweynaha raaciyay.
Kaddib markii Jabhadda Tigray ay la wareegeen magaalooyinka Korem iyo Alamata, gobolla kala duwan ee dalka ayaa bilaabay inay ciidamo u daabuleen deegaanadaas.
Gobolka Amxaarada ayaa sheegaya in kooxda TPLF ay soo weereen. Saraakiisha Gobolka Axmaarada ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan dagaal cusub oo ka dhan ah ciidamada Tigray.
Ciidamada Tigray ayaa lawareegay magaalooyin muhiim ah todobaadyadii lasoo dhaafay.
Gizatchew, agaasimaha guud ee xafiiska isgaarsiinta gobolka Amxaarada, ayaa sheegay in dulqaadkii uu ka dhamaaday “maanta laga bilaabo waxaan bilaabi doonnaa weerar cad.”
Ciidamada amniga ee howlgabka ayaa loogu yeeray inay abuubulka iska caabinta ee ka dhanka ah TPLF ay ka qayb qaatan iyada oo sidoo kale dhamaan dadka gobolka Axmaarada loogu baaqay inay si mutadawacnimo ah isku abaabulaan.
Dhanka kale, warbaahinta maxalliga ah ayaa tabisay in Oromia, Sidama iyo SNNPR ay ciidamadooda gaarka ah u direen aagga ay colaaddu ka taagan tahay.
Arbacadii, raiisul wasaare Abiy Ahmed iyo sarkaalka ugu sareeya militariga dalkaas, Jeneral Bacha Debele, waxay shacabka ka codsadeen in la taageero ciidanka iyo dowlada.
Maamulka Deegaanka Amxaarada dhankiisa wuxuu sheegay: “Deegaannada ay shacabka Amxaarada muddo u soo halagamayeen ee jiritaankooda ku xiran” sida deeganada Raya, Alamata, Walqayt-Sagade iyo Satiit-Humera “inay difaacanayaan.”