Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed Ugu Dhawaaqday Madaxbanaanida ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay wakiilka cusub ee Isutagga Imaaraataka Carabta usoo magacaawday in uu u fadhiyo Somaliland.
Bayaan kasoo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu shaaciyay warkaas.
“Iyadoo Madaxweynaha qaranka Somalilandna u sheegay wakiilka inuu soo gaadhay dal iyo dad jecel walaalnimada iyo wadashaqayn ay ku dheehantahay horumar iyo iskaashi dhexmara labada shacbi iyo labada dawladood”
Tallaabadan ayaa imaaneysaa xilli uusan wanaagsaneyn xiriirka diblumaasiyeed dowladda federaalka iyo Imaaraatka iyadoo bishii hore dowladda Soomaaliya ay ku eedeysay dalka Imaaraatka Carabta in uu wado isku dayo uu dalka ka abuurayo qalalaase.