Kate Foster, safiirka cusub ee UK u qaabilsan Soomaaliya
Ms Kate Foster OBE ayaa khibrad buuxda u leh shaqooyinka la xiriira qaaradda Afrika, oo ay ka mid yihiin Arrimaha Bani’aadannimada iyo amniga.
Inta aysan dowladda UK ku biirin Ms Foster waxay Agaasime Barnaamij kasoo noqotay hayadda u dhaqdhaqaaqyada daryeelka carruurta ee Save The Children iyo waliba Ururka Caalamiga ah ee Badbaada oo ay kala soo shaqeysay Afrika.
Kate oo aan horay u soo qaban xil danjirenimo ayaa kusoo beegmaysa xilli Soomaaliya ay ku jirto xaalad kala guur ah, isla markaana aan weli lagu heshiin doorashada waqtigeeda ka dib dhacday.
Ka hor inta aan loo magacaabin safiirnimada Soomaaliya, Kate ayaa agaasime kuxigeenka arimaha caalamiga ah ka ahayd xafiiska National Security Secretariat, ee qaabilsan arimaha sirdoonka iyo ammaanka UK.
Sanadkii 2017 waxa ay istaraatajiyada Afrika u qaabilsaneyd Waaxda Horumarinta Caalamiga ah ee Britain.
Intii u dhexaysay 2014 ilaa 2015, Kate ayaa ahayd madaxa hawlgelinta ee falcelinta UK ee ku aadanaa cudurka Ebola ee Sierra Leone.
Sidoo kale, waxa ay Kate horay uga soo shaqeysay hay’ado ay ka mid yihiin Save the Children, IRC iyo UNHCR.