Saraakiisha Equatorial Guinea ayaa codsaday gargaar caalami ah kadib qaraxyo is xigxigay oo ay ku dhinteen ugu yaraan shan iyo toban qof isla markaana ay ku dhaawacmen shan boqol oo qof oo kale.
Sawirro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay qiiq aad u weyn oo magaalada sidii daruurta oo kale uga dul muuqanaya.
TV-ga dowladda ayaa baahiyay dad raadinaya dad ka badbaaday burburka, iyagoo ka baarayay dhismooyinka burburay.
Qoraallo isdaba-joog ah oo tuweetar-ka ay soo dhigtay wasaaradda caafimaadka ayay ku codsatay shaqaale caafimaad oo mutadawiciin ah inay tagaan Isbitaalka gobolka Bata. Waxay kaloo codsatay in dhiig lagu deeqo.
Waxaa jira ilaa sedax xaruumo caafimaad oo kale oo dadka dhaawacyadoodu aadka u daranyihiin la geeyay.
Safiirka dalka Faransiiska Brochenin Olivier ayaa qoraal uu bartiisa Tuweeter-ka soo dhigay uga tacsiyay dadka iyo dowladda dalka Equatorial Guinea.
Safaaradda dalka Spain ee dalkaasi ayaa iyana muwaadiniinteeda ku sugan dalkaas ugu baaqday in ay guryaha ku nagaadaan isla markaana ay la xiriiraan telefoonno loogu talay xaaladdaha degdeg ah.
Dalka Equatorial Guinea waxaa gumaystay dalka Spain oo uu xorriyada ka qaatay sanadku markuu ahaa 1968.